Magacyada Masuuliyiin Ku Geeriyooday Weerar Xalay Lagu Qaaday Hoteel Muqdisho Ku Yaala

0
516

Muqdisho(Geeska)-Weerarkii xalay lagu qaaday hoteelka ambassador ee Muqdisho oo ay Al-Shabaab sheegatay ayaa waxa isa soo taraya kor u kaca dadka weerarkaas ku geeriyooday.

ddddd

Warbaahinta Muqdisho ayaa baahisay in laba xildhibaan ku geeriyoodeen weerarkaas. Xildhibaanada la dilay ayaa kala Xildhibaan Cabdillahi Jaamac Kabaweyne iyo Xildhibaan Maxamed Maxamuud Guure oo ka tirsanaa Baarlamaanka Somaliya.

Dad ka badan 25 qof ayaa sido kale ku dhaawacmay qaraxa iyo weerarka toos ah ee lagu qaaday Ambassador Hotel sida wararka ay sheegayan.

Waxa kale oo la soo badbaadiyay xildhibaano iyo dad kale oo qaarkood la sheegay inay dhaawac yihiin.