Magacyada Iyo Gobalada Ay U Dhasheen Afar Xubnood Oo Reer Somaliland Ah Oo Ka Mid Noqday Wasiirada Dalka Somaliya

0
793

Picture4Hargeysa(Geeska)-Golaha xukuumadda Somaliya ee uu habeen hore ku dhawaaqay raysalwasaare Cumar Cabdirshiid Cali Sharmaarke, ayaa waxa ku jira siyaasiyiin u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland oo ka mid noqday golihiisa xukuumadda cusub.

Xubnahan oo ay qaarkood xilal hore uga soo qabteen dawladihii kala dambeeyay ee Somaliya loo dhisayay 20-kii sannadood ee u dambeeyay waxa ay tiradoodu ka koobantahay afar xubnood, waxaanay magacyadooda iyo gobalada ay u  dhasheen kala yihiin sidan:

Maxamed Cumar  Carte, Raysalwasaare –xigeen, wasiirka shaqada, dhallinyarada iyo ciyaaraha (Gobalka Hargeysa)

Cabdisalaan Hadliye Cumar, Wasiirka  Arrimaha dibadda (Gobalka Awdal)

Nuur Faarax Xirsi, Wasiirka Dastuurka  (Gobalka Togdheer)

Cali Axmed Jaamac Jengeli, Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada (Gobalka Sool)

 

Afartan xubnood ayaan ka mid ahayn Baarlamaanka Somaliya, waxaanay ka mid yihiin 20 wasiir oo uu raysalwasaare Sharmaarke habeen hore ku dhawaaqay.