Magacyada Garsoorayaal Guddiga Cadaalada U Shaqada Ka Saaray, Xubno La Isku Bedelay Iyo Kuwo La Magacaabay

0
629

Picture2Hargeysa(Geeska)-Guddiga cadaaladda Somaliland ayaa go’aamisay in xilalka laga qaado garsoorayaal, kuwo kalena la isku shaandheeyo, qaar kalena la magacaabo. Warsaxaafadeed shalay ka soo baxay wasaaradda cadaaladda, oo lagu baahiyay go’aamada guddiga fulinta ayaa waxa  shaqadii lagaga saaray dhawr garsoore, halka kuwo kalena la isku bedelay, qaar cusubna la magacaabay. Garsoorayaasha shaqada laga saaray ayaa kala ah:

Garsoore Mawliid Maxamed Cabdillaahi oo ahaa garsoore maxkamadda gobalka Hargeysa

Garsoore Cismaan Ibrahim Daahir, oo ahaa garsoore maxkamadda gobalka Hargeysa Garsoore Jamaal Xuseen Axmed, oo ahaa garsoore maxkamadda gobalka Hargeysa,

Garsoore Shaakir Maxamed dubad oo ahaa garsoore maxkamadda rafcaanka Hargeysa

Garsoore Cabdiraxmaan Xandule Xuseen oo ahaa garsoore maxkamadda degmada Berbera

Garsoore Maxamed Ducaale Aaden oo ahaa garsoore maxkamadda gobalka Sanaag

Garsoore Cumar Sheekh Maxamed, oo isna ahaa garoosre maxkamadda Lascanod

Garsoore Sheekh Axmed Saalax Faarax, oo  ahaa garsoore maxkamada rafcaanka Awdal

Garsoore Mahad Cabsiiye Seed, oo ahaa garsoore maxkamada rafcaanka gobalka Sool

 

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda cadaaladda, qodobka labaad ee go’aanka guddiga cadaalada ayaa isna ah magacaabis guddoomiyayaal iyo isku bedel garsoorayaal, kuwas oo kala ah:

Guddoomiyaha maxkamadda rafcaanka gobalka Awdal waxa loo magacaabay Sahal Cabdilahi Xirsi

Maxkamadda rafcaanka ee gobalka Awdal waxa isna bedel ku tagay Maxamed Jimcaale Maax

Maxkamadda rafcaanka ee gobalka Awdal waxa loo bedelay Sheekh Cali Shucayb Shekh Ibrahim

Garsooraha maxkamada degmada Burco waxa loo magacaabay Ibrahim Siciid Ducaale.