Magacyada 15 Masuul Oo Ay Guddiga Joogtada Ee Golaha Guurtidu Doonayso Inay La Kulanto

0
659

Hargeysa (Geeska)-Golaha Guurtida  Somaliland ayaa  sheegay in masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda oo xilal kala duwan haya oo  ay u yeedheen si ay wax uga weydiiyaan hawlahahooda shaqo in wakhtigii ay ugu talagaleen aanay ugu iman, isla markaana hadda ay ka sugayaan inay u yimadaan

1

Haddaba Warsaxaafadeedkan ay soo sareen Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Guurtida kuna saxeexan yahay Guddoomiyaha Guddidaas Xildhibaan Cabdi Qaadir Maxamed Xasan (Indho-Indho) oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Wargeyska Geeska Afrika ayaa u dhignaa sidan “Mudanayaal:-Sida Ku Cad Qoddobka 61aad,Faqradiisa 5aad ee Dasuurka Jamuuriyadda Somaliland,waxa lagugu yeedhayaa inaad ka soo qayb-gashid kullan xog is waraysi ah oo ay kula yeellan doonaan Guddiga Arimaha Bulshadda ee Golaha Guurtidda,waxaana la idinku  adkaynayaa inaad qoraal ku soo gudbisaan Xil Aad Qaranka u Haysaan iyo Qorshihiina Wax qabadba Ee Sanadka 2016ka.

1:-Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud Gadiidka iyo Guryaynta Somaliland Cali Xasan Maxamed Cali Mareexaan

2:-Wasiirka Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta Somaliland Shugru Xaaji Ismaaciil Baandare

3:-Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Axmed Cabdule

4:-Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Ee Somaliland Cabdilaahi Ibraahin Habane

5:-Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada Somaliland Cali Sandule

6:-Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi-galinta Somaliland Cabdilaahi Cukuse

7:-Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland

8:-Maayarka Caasimada Hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Solteco

9:-Gudida ka Garnaqista Arrimaha Dhulka Ee Dawlada Hoose Ee Hargaysa

10:-wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye

11:-Mareeyaha Wakaalada biyaha

12;-Komiishanka Maamul Wanaag

13 :-Wasiirka Wasaarad Dibu Dajinta Somaliland Cali Siciid Raygal

14 :-Wasiirka Wasaarada Boosaha iyo is Gaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal

14 Wasiirka Wasaarada Biyaha Somaliland

15 Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan