Magaca Wadankii Ugu Horeeyey Oo Shaaciyey Inuu Safaaradiisa Ka Furanayo Magaalada Qudus

0
4297

 

Madaxweynaha dalka Guatemala Jimmy Morales ayaa amray in safaaradda dalkiisa ee ku taalla Tel Aviv loo raro magaalada Qudus.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook  ayuu Jimmy Morales ku sheegay in uu go’aanka qaatay ka dib markii uu la hadlay ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.Toddobaadkii la soo dhaafay, Guatemala waxay ka mid ahayd 9-kii dal ee diiday qaraarkii Qaramadda Midoobay ee ugu baaqayay Maraykanka inuu ka laabto go’aankii Qudus uu ugu aqoonsaday caasimadda Israa’iil.MadaxweyneTrump ayaa ku goodiyay inuu gargaarka ka jarayo dalalka kasoo horjeedsada go’aanka Mareykanka.Mareykanka ayaa deeq-bixiye muhiim ah u ah Guatemala,maadaama uu dalkaasi yahay dal sabool ah oo ku yaalla qaarada Ameerika.Magaalada Qudus waxay muhiimad wayn u leedahay labada dhinac ee Falastiin iyo Israa’iil.

Waxaa ku yaalla goobo barakeysan oo ay aaminsan yihiin saddexda diimood ee dunida ugu waawayn oo kala ah Islaamka, Yuhuudda iyo Masiixiyadda.Bariga Qudus oo magaalada Qadiimiga ah ay qeyb ka tahay waxay Israa’iil qabsatay ka dib dagaal lix maalmood qaatay oo dhacay 1967, Laakiin hadda ka hor looma aqoonsan in ay qeyb ka tahay dhulka Israa’iil.In Qudus ay leedahay Israa’iil weli beesha caalamka maysan aqoonsan, dhammaan dalalkana waxay safaaradohooda ka dhisteen Tel Aviv.

Si kastaba ha ahaatee madaxweyne Trump ayaa u sheegay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka inay bilowdo ka shaqeynta in safaaradda Mareykanka loo raro Qudus.

 

 

Source:-BBCsomali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here