Magaalo Yurub Ku Taalla Oo Raadinaysa Qaxoonti Ay Deegamayso Oo Ay Siiso Guryo Qurux Badan

0
548

Picture4Berlin (Geeska)- Toddobaadadii u dambeeyey waxaa dalka Jarmalka ka jiray muran iyo doodo la xidhiidha hadal ka soo baxay duqa mid ka mid ah magaalooyinka dalkaas oo ku dhawaaqay in magaaladiisu ay soo dhoweynayso dadka soo-galeetiga ah oo ay guryo iyo deggenaanshiyo rasmiya siinayso. Oliver Junk oo ah duqa magaalada Goslar ayaa sheegay in markii uu muddo dheer xal u raadinayey dad yaraan ba’an oo soo food saartay magaaladiisa uu aakhirkii dawo u arkay in magaaladiisu ay qaabisho dadka soo galeetiga ah oo ay weliba dejiso guryo ku habboon nolosha casriga ah ee Yurub. Oliver Jun oo ah 38 jir ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday in uu doonayo dad soo galeeti ah oo dega magaaladan ku taalla woqooyiga-galbeed ee dalka Jarmalka, waxaana uu ballan qaaday in dadka dhalinyarada ah ee magaaladiisa yimaadda uu siin doono guryo.

Duqa Goslar oo ka mid ah magaalooyinka ugu quruxda badan dalka Jarmalku waxa uu ku cawday in haddii ay xaaladda magaaladu ku socoto sida hadda oo dadku ay aad uga guuraan, dadka waaweynina si xawli ah u dhintaan in ay sannado yar gudahood magaaladu isku beddeli doonto tuule yar oo dadkeedu aanay tobannaan keliya ka badnayn, aakhirkana sida ku dhacday magaalooyin badan oo dunida ah ay ka tirtirmi doonto khariiradda dalka Jarmalka. Isaga oo tusaale u soo qaatay in 10 sano ka hor ay magaaladu aad u cammirnayd, dadka degenina ay ka badnaayeen 50 kun oo ruux laakiin maanta ay tirada dadka ku nooli hoos ugu dhacday 4 kun oo ruux oo keliya, sababtuna waa dadkii xoogga ahaa iyo ganacsatadii oo si aad ah uga guuray magaalada, cidda isugu soo hadhayna ay tahay dadkii hawlgabka ahaa oo keliya.

Oliver Junk oo ka tirsan xisbiga dimuqraadiga Masiixiga ah ee ay ka soo jeeddo raysalwasaaraha Jarmalku waxa uu dadka soo-galeetiga ah ku dhiirir geliyey in ay magaaladiisa soo camiraan, arrinta xiisaha lihina waxa ay tahay in dadka asal ahaan magaaladan u dhashay ee hadda ku nool gudaheeda iyo kuwa ka haajirabay aanay ka hor iman fikirkan duqa iyada oo la og yahay in toddobaad kasta ay dalka Jarmalka ka dhacaan dibad-baxyo uu soo abaabulo dhaq-dhaqaaq Pegida oo si adag uga soo horjeeda soo-galeetiga iyo Islaamka.

Goslar waa magaalo taariikhi ah oo ku taalla gobolka Lower Saxony oo ah kan labaad ee ugu ballaadhan gobollada Jarmalka, waxaa ka dhisan in ka badan 10 kun oo guri waxa aanay caan ku tahay khayraadka beeraha oo aad u horumarsan.

Dal ka cabanaya soo-galeetiga oo uu haddana si ba’an ugu baahan yahay:

In kasta oo uu marka horeba dalka Jarmalku ka mid yahay dhulalka laga cabsi qabo in uu mustaqbalka hoos u dhac aan fiicnayni ku iman doono tirada dadkiisa, haddana magaaladan yar ee quruxda badan waa u raacay in deegaankii da’doodu ka yarayd 50 sano jir ay uga hayaameen dhinaca magaalooyinka waaweyn oo ka nolol iyo camal fiican, aakhirkiina ay dadka isugu soo hadhay noqdeen waayeel, taas oo sabab u noqotay in dugsiyadii waxbarashada ee magaalada Goslar badankoodii albaabada loo xidho, guryihii cid degta la waayey, qaar badan oo ka mid ahina dayactir la’aan ay kharaabado noqdeen oo aakhirkii ay dowladda hoose ku qasbanaatay in ay dumiso.Goslar waxa ay si aad ah caan u noqotay intii ka dambaysay markii haayadda qaramada midoobey u qaabilsan dhaqanka, sayniska iyo barbaarinta ee UNESCO ay magaaladan ku dartay liiska magaalooyinka dundia ee taariikhiga ah, sababta ugu weyn ee lagu doortayna ay ahayd guryaheeda qaddiimiga ah ee sida quruxda iyo tayada badan looga sameeyey qori si yaab leh loo farsameeyey oo badankooda la dhisay qarnigii 16aad.

Magaalada Goslar:

Sida ku cad tiro-koobyada dalka Jarmalka tirada dadka qaxoontiga ah ee dalkaas gelayaa si xawli ah ayaa ay u kordhaysaa iyada oo sannadkii u dambeeyey ee 2014ka gaadhay halkii ugu sarraysay oo ah ku dhowaad 200 oo kun oo qof, laakiin siyaasadda qaabilidda qaxoontiga ee dalka Jarmalka ayaa ah in magaalooyinka dalku sida ay u kala weyn yihiin loo dejiyo qaxoontiga, taas oo keentay in magaalooyinka yaryar ee sida Goslar ah aan qaxoonti loo dirin, waana sababta uu duqa Goslar oo ka warwarsan dad yaraanta ku dhacday magaaladiisu uu hadda doono in qaxoontiga dalka imanaya saami badan oo ka mid ah la isu soo dhaafiyo dhinaca magaaladan, isaga oo aaminsan in uu hannaankani yahay sida ugu habboon ee magaalada lagu badbaadin karo. “Waa wax lala yaabo in magaalooyinka waaweyn lagu qasbo in ay qaabilaan qaxoonti aad u badan oo loo dhiso, taandhooyin, kontiinarro dadku dego iyo xitaa dugsiyada oo dadkii la dejinayo, iyada oo guryahayagii Goslar ay madhan yihiin” ayaa uu yidhi Maayir Junk oo naqdiyaya qaabka ay dowladda dhexe qaxoontiga ugu qaybiso dalka.