“Madaxweynuhu, Muxuu Beelaha Gabooye Xukuumadiisa Uga Reebaa”

0
557

Hargeysa (Geeska)-Suldaan Daakir Xasan Khaliif, oo ah Suldaanka guud ee Beelaha Gabooye, ayaa ka hadlay isku shandhayntii ugu dambeeysay ee uu Madaxweynuhu ku sameeyey Xukuumadiisa, waxaanu sheegay in wax aad loola yaabo oo laga xishoodo tahay in Beelaha Gabooye aanay ku jirin Isku shandhayntan iyo kuwii ka horeeyeyba.

1

 Suldaan Daakir Xasan Khaliif, oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa yidhi “Isku shandhaynta uu Madaxweynuhu sameeyey waxaan odhan karaa runtii waa isku shandhayntii ugu liidatay, waxaana wax laga xishoodo oo aad loola yaabo ah in Madaxweynuhu intaas oo isku shandhayn oo uu sameeyey in Bulsho dhan oo Somaliland degta in aanu cid ka kaga soo darin, waxaana dhab ah in Madaxweynuhu isku shandhayn kasta aanu cid kaga soo darin bahweynta Gabooye, anagu waanu dareensan nahay oo waanu ognahay sababta la nooga reebayo, maxa yeelay hore waxaanu ku biirnay Xisbiga Waddani, laakiin waxa meel ka dhac ah in Beel dhan oo degan Somaliland in lagu soo dari waayo Xukuumadda, Madaxweynuhu wuxuu u dhaartay inuu si cadaalad ah oo sinaani ah inuu Bulshada Somaliland ku hogaaminayo, kuna dhaqayo, balse waxa dhab ah in Madaxweynuhu aanu dhaartii ka rumayn”.

Suldaan Daahir isagoo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Mucaarad iyo Muxaafidba xilka waa loo siman yahay, waana loo magaacaba, balse Xukuumaddan Axmed Siillaanyo waxaanu ka nahay Beel ka soocan Beelaha kale, waxna aanu ugu talagelin, balse rajadda aanu ka qabno Xisbiga Waddani ayaanu sugaynaa, waxa hore loo yidhi ninka aan quusta aqoon naftiisa ayaa quusata, ee shaqsiyaadka ka soo jeeda Beesha Gabooye ee ku meeraysana Xukuumaddan waxaan leeyahay quusta, mar waan qoslaa, marna waan yaaba, waxaan is weydiiyaa, Madaxweynuhu miyaanu wax ogeyn, mise dalkaba wuu ka maqan yahay, mararna waxaan is idhaahda ma Madaxweyne la yidhaahdo sidaas sameeba, balse waxa cad in Xukuumaddani tahay xukuumad kala socota oo aan wada socon”.