Hargeysa(Geeska) Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Safiirka Ingiriiska ee u fadhiyey Soomaaliya ee xilka ka sii degaya Ambassador Mike Nithavrianakis oo maanta kulan sagootis ah oo maqal iyo muuqaal ah yeeshay, iyadoo uu Madaxweyne hore Muuse Biixi sheegay in inuu safiirka uga mahad-celiyey muddadii uu xilka hayay, wada-shaqayntii iyo xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee wanaagsanaa ee uu lalaha Somaliland
Qoraal kooban oo uu Muuse Biixi ku faafiyey bartiisa facebook, waxa uu ku sheegay inuu safiirka Ingiriiska ee xilka ka sii degaya Ambassador Mike Nithavrianakis uu u rajaynayo guul iyo mustaqbal Wanaagsan