Madaxweyne-xigeenka Oo Booqday Jidka Isku Xidhaya Hargeysa Iyo Baligubadle

0
555

Picture4Hargeysa(Geeska) Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Shalay kormeer ku tagay dhismaha Waddada isku xidhaysa Baligubadle iyo Hargeysa oo hadda uu gabo gabo uu ku dhawyahay dhismaha Wajiga koowaad.

Madaxweyne Ku Xigeenka iyo Waftiga uu hogaaminayo ayaa kormeerka ku soo maray Dhismaha jidka Wadda Baligubadleh iyo Hargeysa ayaa kadib waxaa warbahinta uga warbixiyey halka uu maraayo dhismaha jidka Waddu Xildhibaan Axmed Diiriye (Nacnac) oo kamida Guddida dhismaha wadda,waxaana uu sheegay in ay hadda gabo gabo ay ku dhawdahay wajiga koowaad ee dhismaha waddada oo dhan 5-km,waxaana uu ugu baaqay Xukuumadda iyo dhamaanba Shacbiga reer Somaliland-ba in ay kala qaybqaataan dhamaystirka jidka Baligubadle iyo Hargeysa, waxaanu yidhi "Imika waxaanu soo gaadhnay qaybii kale ee Baligubadle u baxaysay,waxaana dhamaanaysa ilaa Shantii Kilo Metre ee ugu horeeyey ayaa dhamaanaya waayo Bahashii aanu ku shaqaynaynay Madaarka ayaa nalaga geeyey Markaa waxaanu doonaynaa in Bisha Ramadaan gudaheeda aanu dhamayno Shantii Kilo Metre ee ugu Hargeysa(Geeska) Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Shalay kormeer ku tagay dhismaha Waddada isku xidhaysa Baligubadle iyo Hargeysa oo hadda uu gabo gabo uu ku dhawyahay dhismaha Wajiga koowaad.

Madaxweyne Ku Xigeenka iyo Waftiga uu hogaaminayo ayaa kormeerka ku soo maray Dhismaha jidka Wadda Baligubadleh iyo Hargeysa ayaa kadib waxaa warbahinta uga warbixiyey halka uu maraayo dhismaha jidka Waddu Xildhibaan Axmed Diiriye (Nacnac) oo kamida Guddida dhismaha wadda,waxaana uu sheegay in ay hadda gabo gabo ay ku dhawdahay wajiga koowaad ee dhismaha waddada oo dhan 5-km,waxaana uu ugu baaqay Xukuumadda iyo dhamaanba Shacbiga reer Somaliland-ba in ay kala qaybqaataan dhamaystirka jidka Baligubadle iyo Hargeysa, waxaanu yidhi "Imika waxaanu soo gaadhnay qaybii kale ee Baligubadle u baxaysay,waxaana dhamaanaysa ilaa Shantii Kilo Metre ee ugu horeeyey ayaa dhamaanaya waayo Bahashii aanu ku shaqaynaynay Madaarka ayaa nalaga geeyey Markaa waxaanu doonaynaa in Bisha Ramadaan gudaheeda aanu dhamayno Shantii Kilo Metre ee ugu horeeyey,waa waddadaa dee tayada leh waxaanan jecel nahay in aad idinkuna aad ka qayb gashaan oo dee dawlad ahaana wixii aad noogu kordhin kartaan aad noogu kodhisaan,Dadweynahana waxaanu leenahay dadyow waa taa wadadii cidna uma maqna cida umaqana waa Somalilander-ka uun wax ku darsada ayaau idin leenahaya"

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isna halkaasi hadal kooban ka soo jeediyey ayaa ku amaanay Guddida dhismaha Waddada sida ay durba ay u dhamaystireen wajigii hore ee waddadaas, waxaanu yidhi  "Waxaan aad ugu faraxsanahay in Umaddayada Somaliland,Shacabkayaga dadaalka ay samaynayaan ee runtii ay ku tartamayaan horumarka ee dagmo iyo deegaan walba ka bilaabmay oo ah wax aan ka suuro galin Maanta dawlado badan oo aan la Ictiraafin oo aduunyada ah in ay Waddooyin dibada ah ay ku hamiyaan oo ay samastaan oo magaalo ilaa magaalo isku xidha runtiina aad iyo aad ayaanu ugu faraxsanahay waxaanan aad iyo aad aanu runtii ugu mahadnaqaynaa ama aanu ku hambalyeynaynaa kuna bogaadinaynaa dadka reer Baligubadle ee runtii dadalka intaa leeg sameeyey ee waliba muddo kooban oo aan qabo in ay tartanka ka danbeeyeen dagmoooyinka kale durba hadana ay Sadde Kilo Metre ay dhameeyeen aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay waanan runtii ugu hambalyeynayaa waxaanan u malaynayaa tartanka loogu jiro horumarka dalka in ay reer Baligubadle ay Kaalinta koowaad ka gali doonaan,aad iyo aad ayaan ugu hambalyeynayaa iyaga iyo inta kale ee reer Somaliland ahba ee gudo iyo dibadba ku hawlan horumarka dalka"

Maayarka  Magaaladda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa   ku dhawaaqay inay qaybtooda ka qaadan doonaan dhismaha Waddada isku xidhaysa Magaalooyinka Hargeysa iyo Baligubadle

Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo Madaxweyne Ku Xigeenka ku wehelinayay kormeerkiisa uu ku tagay Dhismaha Waddada isku xidha Baligubadle iyo Hargeysa ayaa sheegay in Golaha Deegaanka ee Magaaladda Hargeysa oo isu dhami ay ka qayb geli doonaan dhismaha waddadan, Waxaanu yidhi “Waxa aanu balanqaadaynaa ka Gole deegaan ahaan in aanu ka qayb galno Dhismaha Wadada Baligubadle iyo Hargeysa”.