“Madaxweyne Waxa Lagaaga Baahan Yahay Sinaan Iyo Cadaalada Inaad Umadda Ugu Adeegto Iyo Inaad Tabashooyinka Xaliso”

39
4222

Hargeysa (Geeska)-Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed, oo ka mid ah hogaanka sare ee Xisbiga Waddani, ayaa ka hadlay marxalada uu dalku marayo, waxaanu Madaxweynaha u soo jeediyey talooyin ku saabsan wax ka qabashada tabashooyinka jira.

Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay is-marin waaga Xisbiyhada ee Komishanka Doorashooyinka yo khilaafka Xisbiga Kulmiye, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Madaxweyne dalkan cid gaar ah, qabiil gaar ah iyo reer gaar ahi umay soo halgamin,Somaliland cid gaar ah tacab iyo juhdi dheeraad ah umay soo galin, ee waa loo soo wada tabcay, waana loo soo wada halgamay, dalka waa loo siman yahay, dalka waa la wada leeyahay, dad dega wey wada leeyihiin, sharciyana waa isku wada xaq iyo isku wada xuquuq, Madaxweyne waxaa lagaaga baahan yahay sinaan iyo cadaalada inaad umadda ugu adeegto, Madaxweyne waxa lagaaga baahan yahay in waajibaadkaaga qarana si daacadnimo ku dheehan tahay inaad u gudatid, Madaxweyne waxaa lagaaga baahan yahay in wixii tabashooyin ah ee jira inaad sida ugu haboon uguna dhakhsaha badan u xaliso, laakiin looma baahna in Somaliland cid gaar ahi ay dadka kale ee dalka degan ka sheegtaan, looma baahna in cid gaar ahi ka xuquuq iyo xaq badato dadka kale ee degan dalka, waana cadaalada daro in cid gaar ah wax loo qabto, umadda inta kalena waxba loo qaban waayo si dalka laga leeyahay”.

Siyaasi Cabdi Haybe mar uu Madaxweynaha u diraayey baaq ku saabsan Gobolka Sanaag ayaa yidhi “Xiisada ka taagan Gobolka Sanaag, maaha wax qarsoon, ee Madaxweyne intaad kolba Kornaylo u dirayso Gobolka, si toos ah wax uga qabo, oo dhibaatooyinka iyo xiisadaha ka taagan Gobolka wax ka qabo, waa laga war hayaa dhibaatooyinka culus ee ka taagan Gobolka Sanaag, weynu ka war haynaa Jabhadan sameeysan tay siday ku timid, markaas Madaxweyne si aanay dhib intaas ka culus aanay u dhalan, oo jabhado kale aanay u unkamin, oo dalku aanu dib ugu noqon meel uu hore uga soo kabtay, sida ugu dhakhsaha badan xiisadan ka taagan Gobolka Sanaag wax ka qabo, oo xilkaaga sida ugu haboon uga gudo”.

Siyaasi Cabdi Haybe mar uu ka hadlaayey Hantida umadda ayaa yidhi “Kow iyo laba ka noqon mayaan hantida umadda ee dib loo soo caliyey, ee waxaan Madaxweynaha kula talinayaa in Hantida Umadda ee gacanta dawladda ka maqan ee macruufka ah ee la wada garanayo in dib loo soo celiyo, in Hantida umadda ee lagu takrifalay in dib loo soo celiyo, waliba cidda ku takrifashay ee boobtay in Maxkamadda la soo saaro oo sharciga lala tiigsado”.

Cabdi Haybe mar uu ka hadlaayey Komishanka iyo Doorashada ayaa yidhi “Mar haddii ay Xisbiyadii Mucaaradka ahaa ay soo jeediyeen in la kordhiyo xubnaha Komishanka waa in la kordhiyaa, oo dalabkooda loo tixgaliyaa, maxaa yeelay markii hore ayey cadaalad daro ahaydba in laba xubnood laga siiyo toddoba xubnood ee komishanka, Doorashooyinkii Wakiilada iyo Deegaanka, oo ku beegan sannadka dambe ee fooda inagu soo haya horaantiisa, gaar ahaan bisha saddexaad, uma muuqdaan inay wakhitgaas ku dhacayaan, maxaa yeelay ilaa hadda shuruudo badan oo loo baahnaa in la fuliyo ayaan la fulin”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here