Madaxweyne Siilaanyo: Xeer Iyo Xal Iyama Ayuu ku Go’aan Qaatay Cumar M. Faarax

0
604

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Sabtidii todobaadkan go’aan ka gaadhay caqabadaha hor yaalla doorashooyinka madaxtooyadda iyo wakiiladda ee hore ugu mudaysnaa inay ku qabsoomaan dabo-yaaqada Bisha March 2017-ka.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxa  uu go’aamiyay in la kala qaado doorashooyinka madaxtooyadda iyo ta Golaha Wakiiladda, maadaama oo doorashadda golaha Wakiiladdu ay tahay mid ay hoos taallo qoddax  aan tiro lahayn iyo is mari waa la xidhiidha saami-qeybsiga kuraasida Golaha wakiiladda ee gobolladda dalka oo gobollo badani hore u caddeeyeen inaanay ka qeyb galaynin doorashadda haddii lagu saleeyo saamiga  ay ku fadhiyaan aqalka wakiiladda ee tobanka sannadood muddo dhaafka ku jooga.

Madaxweynuhu waxa uu qaraarkan gaadhay ka dib, markii Hoggaamiyeyaasha saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID,  ay 28-kii bishii July 2016-ka,  u soo gudbiyeen heshiis ka koobnaa saddex qoddob oo ay ku sheegeen inay ku guul daraysteen inay furdaamiyaan khilaafka ka taagan qadiyadda saami qeybsiga, waxay caddeeyeen maadaama oo ay yihiin Murrashaxiin inay ku adkaatay inay  gobollada u kala qoondeeyaan kuraasida Baarlamaanka ay ku yeelanayaan.

Sidaas darteed, waxay madaxweynaha u wakiisheen inuu go’aan ka gaadho arrintan, waxaanay si wada jir ah u  balan-qaadeen inay u hoggaansamayaan  oo ay ayidayaan  go’aan kasta oo uu ka soo saaro mowduucan.

Haddaba, Madaxweyne Siilaanyo waxa uu qaraarkiisu isugu jiraa inuu  ku furdaamiyay oo u tallo badsaday mowduucan xasaasiga ah ee culayskiisa  miiska loo saaray. Waxa wareegtaddiisu u muuqatay inuu qaatay  go’aankii ugu habboonaa oo uu soo saaray xilligii loogu tallo-galay. Waxa kale oo go’aanka madaxweynaha ka muuqatay inuu iska baraxay in axsaabta mucaaridka ahi ku eedeyso masuuliyadda dib u dhac ku yimaadda doorashooyinka oo sumcad xumo u soo jiidi karaysay  hanaanka dimuqraadiyadda curdinka ah ee Somaliland.

Madaxweynuhu markii uu darsay ee uu ka baaraan-degay qaddiyadda doorashooyinka, waxa uu door biday in la kala qaado labada doorasho ee “MADAXWEYNAHA & GOLAHA WAKIILADDA.”

Madaxweynaha  oo hore uga hadhay inuu u baratamo muddo xileedkiisii labaad, waxa uu bulshadda Somaliland iyo beesha caalamkaba ka shaafiyay inaanu doonaynin in muddo kordhin labaad loo sameeyo. Waxa wareegtadiisu caddeysay inuu u heelan yahay in dimuqraadiyadda dalka la taabo-geliyo. haddii hunguri kaga sii jiro inuu kursiga muddo kordhin ku sii fadhiyo  ma uu go’aamiyeen in la soo horeysiiyo dooorashadda madaxtooyadda oo ah ta  lagu soo dooranayo madaxweynihii xafiiska ka bedali lahaa.

Geesta kalena, Madaxweynuhu waxa uu u muuqdaa inuu   ka badbaadiyay wadanka  xiisadaha siyaasiga ah ee ay horseedayso  haddii uu soo jeedin lahaa in lagu galo doorashadda saami-qeybsigii lagu qabtay doorashaddii wakiiladda ee lagu soo doortay sannadkii 2005-tii xildhibaanada  hadda jooga aqalka wakiiladda ama uu qoondo cusub soo saari lahaa.

Afarta qoddob ee madaxweynuhu soo saaray,  afartuba waa qaar xal  ah oo lagaga gudbi karo is mari waaga ka taagnaa doorashadda aqalka wakiiladda. Sidaas si la mid ah waxa go’aanka madaxweynuhu fure u yahay in hanaanka geedi socodka dimuqraadiyaddu sii socdo oo la galo doorashadda madaxweynaha oo  farsamo ahaan, xeer ahaan iyo siyaasiyan-ba  maan-gal ah in la qabto kal-dambe.

Dad badan ayaa aaminsan in marka la qiimeeyo farsamadda xadidan iyo  waayo-aragnimada kooban ee Somaliland u leedahay arrimaha doorashooyinka iyo maarreyntooda  inaanay caqli gal ahayn in doorashooyinka wakiiladda iyo madaxtooyadda mar la wada qabto xataa haddii aanu jirin khilaaf la xidhiidha saami-qeybsiga.

Madaxweynuhu waxa uu soo jeediyay in arrintan loo xil saaro Guddi heer qaran ah oo awood sharci oo loo dhan  yahay loo siiyo

dhammaystirka  mawduucan oo noqday “Madax Geel ninkii qaadaaba dhig.”

Inkasta oo madaxweynuhu ku go’aan qaatay xal iyo sharciyad labadaba oo ray’ul caamka bulshadduna u aragtay inuu  yeelay sidii wada jirka ummadda iyo dalka u wanaagsanaa ama haddii si kale loo dhigo jidkii kaliya ee u furnaa. Waxase jiray in dadka qaar ay aaminsanaayeen in arrintani ay nasteexo u tahay Golaha Wakiiladda ee shantii sannadood ee la doortay muddo leeg ummadda ku soo hor fadhiya. Dadka fikirkan qabay waxay ku doodayeen in madaxweynaha ay u furnayd inuu raaciyo qoddob shanaad oo dhigaya in Golaha Wakiiladda ee imika joogaa aanay muddada cusub ee ay sii shaqeynayaan aanay qaadan doonin wax mushahar ah ama ugu yaraan 70% la dhimo mushaharkooda.

Geesta kalena, waxa jiray dad badan oo ka biyo diiday dhawaaq ka soo yeedhay Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Maxamed Cabdilaahi Uurcadde, oo sheegay inay ka soo

horjeedaan  go’aanka  madaxweynuhu soo saaray, taasi oo ah mid ka hor imanaysa qoddobka labaad ee bayaankii uu Guddoomiyaha xisbigaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) uu la saxeexay Guddoomiyeyaasha xisbiyadda KULMIYE iyo UCID, Muuse Biixi Cabdi iyo Eng. Faysal Cali Waraabe. Qoddobkaasi oo u dhignaa sidan:-

“2. Waxa la isla qaatay in saddexda xisbi u hogaansamaan go’aanka uu madaxweynuhu gaadho ee khuseeya arrinta saami-qaybsiga kuraasta golaha wakiillada Somaliland.”

Mowqifka WADDANI ka istaagay arrintan, waxay muujinaysaa balan-fur siyaasi ah oo Hoggaamiyaha WADDANI kaga hor yimid suulkii iyo saxeexiisii marraga lahaa, waxaana habboon in xisbigu arrintaasi ka noqdo oo bulshadda raali-gelin buuxda ka siiyaan haddii kale waxay su’aal gelinaysaa sida loo aamini karo balan-qaadka Guddoomiye Cirro oo ka mid ah  saddexda murrashax ee u tartamaya doorashadda madaxtinimadda ee sannadka soo socda ka qabsoomaysa dalka.