Madaxweyne Siilaanyo Oo Xilkii Ka Qaaday Wasiirkii Xidhiidhka Goleyaasha Qaranka Iyo Eedda Kooban Ee Uu U Jeediyay

0
529

Picture6Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xilkii ka qaaday wasiirkii wasaaradda  Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda Md. Aaden Axmed Warsame, waxaanu  Madaxweyne Siilanayo ku Eedeeyey in aanu xilkasnimo muujin mudadii uu xilka hayey isla markaana cabashooyin badani uga yimaadeen.Warsaxaafadeedka xilka lagaga qaaday wuxuu Madaxweyne Siilaanyo ku yidhi “Mudane, Ka-dib dhibaatooyin iyo cabashooyin is daba jooga ah iyo hufnaan la’aanta shaqo ee aad ka muujisay xilka aan kuu magacaabay. Haddaba, xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.”

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wasiirka xilka laga qaaday uu shalay wasaaradda qufushay iyadoo ay shaqaalihii joogaan, taas oo abuurtay buuq iyo sawaxan badan oo madaxtooyada gaadhay. Wasiirku sababta uu wasaaradda u qufushay si rasmi ah looma garanayo, waxase la ogyahay in wasiirku dhawr bilood ka hor baabuurkii uu watay uu goor arooryo ah ku dhex tuuray iliilada dhinaca ka marta taliska asluubta.