Madaxweyne Siilaanyo Oo Xilkii Ka Qaaday Maareeyihii Hay’adda Korontada Hargeysa, Sheegayna Inuu Cid U Soo Magacaabayo Shaqadiisii Ay Wasiiradu Baahiyeen

0
3942

 

Picture5Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Silaanyo ayaa xilkii ka qaaday maareeyihii hay’adda korontada Hargeysa Md. Maxamed Axmed Aadan (Weli Axmed Xaawa), oo ay shaqada ka fadhiisiyeen guddi uu Madaxweynuhu hore ugu magacaabay inay baadhis ku sameeyaan hay’adaas.

Ma jiro warsaxaafadeed ay madaxtooyadu ka soo saartay digreetada Madaxweynaha, laakiin qoraalka oo uu nuqul ka mid ah Geeska Afrika,  helay laguna socodsiiyay masuulka xilka laga qaaday, wuxuu Madaxweynuhu ku yidhi sidan:  “Markaan ku qancay qoraalka warbixinta iyo soo jeedinta guddida maamulka wakaaladaha korontada, waxaan gartay inaan kaa qaado xilka maareeyaha hay’adda korontada Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa inaad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay si ku meelgaadh guddida wakalaadaha korontada oo sii hayn doona inta aad u soo magacaabayo cid ku haboon.”

Qoraalkan oo uu Madaxweyne Siilaanyo maareeyaha hore u diray 31 March, oo ku beegnayd Axadii doraad, wuxuu sida muuqata ku sheegay inuu cid ku haboon u soo magacaabi doono xilka uu masuulkaas hore baneeyay, laakiin guddiga wasiirada ah ee uu Madaxweynuhu u saaray baadhista hay’adda korontada Hargeysa, ayaa iyagu baahiyay shaqada maareeyaha oo ay sheegeen in tartan loo geli doono, waxaana halkaas ka muuqata kala socosho ka dhex jirta Madaxweynaha iyo guddiga.

Wasiirka hawlaha guud Md. Axmed Cabdi Xaabsade, oo guddoomiye u ah guddigan, ayaa ku eedeeyay maareeyihii hore lunsi hanti qaran iyo maamul xumo. Laakiin maareeyaha hore ayaa iska difaacay eedaymahaas, waxaanu dalbaday inay guddigu si cad u soo bandhigaan maamul xumada iyo musuqa ay ku eedeeyeen. Waxaanu Mr. Weli Axmed Xaawa, noqonayaa masuulkii labaad ee uu Madaxweyne Siilaanyo ka qaado xilka wakaaladdah korontada Hargeysa mudadii uu xilka hayay.