Madaxweyne Siilaanyo Oo Xalay Xilkii Ka Qaaday Hantidhawrihii Guud Ee Qaranka

0
637

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa xalay xilkii ka qaaday hantidhawrihii guud ee qaranka Maxamuud Aw Cabdi Ibraahim (Maxamuud-dheere).

Warsaxaafadeed ay madaxtooyadu xalay soo saartay ayaa lagu yidhi “Waxaan kaaga mahadcelinayaa muddadii aad soo haysay xilka Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Haddaba, waxaan gartay in aan kaa qaado xilkaas, waxaanad ku wareejin doontaa Ku-xigeenka Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, oo si ku meel-gaadh ah u sii hayn doona, inta aan u soo magacaabayo mas'uul ku habboon xilka Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka.”