Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo dalka ku soo laabtay, ayaa warbaahinta uga waramay socdaalkiisii, sida oo kale waxa uu ka hadlay is mari waaga ka taagan golaha wakiilada ee lagu eedeeyay xukuumadiisa iyo dooda qaran ee dhawaan la filaayo in ay ka qabsoonto dalka.
Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo ugu horayntii ka hadlaayay safarkii dibada ee uu ku maqnaa waxa uu yidhi“Farxad weyn ayay ii tahay inaan ku soo laabto dalkii anigoo nabad qaba, dalka waanu ka maqnayn oo saraf ayaanu ku maqnayn dalka Faransiiska waanu soo marnay,dalka ingiriiskana safar khaas ah ayaanu ku galnay oo nasasho iyo caafimaad iyo arimo caynkaas ah. waxaanu la kulanay dawlada faransiiska laftigeeda wasaaradeeda arimaha dibada,baarlamaankooda,shirkada weyn ee Bollare la yidhaahdo ee doonaysa inay maalgashato dekeda Berbera ee doonaysa inay wax inala qabsato ayaanu iyadana la kulanay, si wanaagsan ayaa naloogu soo dhaweeyay madaxdooda iyo masuuliyiintoodaba waanu la shirnay iyada oo wasiiradu ay nala wada scodaan.”
Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo la waydiiyay is mariwaaga ka taagan golaha wakiilada iyo eedaynta lagu eedeeyay xukuumadiisa waxa uu yidhi“Arimaha golaha wakiilada ka socday waxay u yaalaan golaha wakiilada, golahaas ayaana ku shaqo leh.Anigu kama war qabo inuu guddoomiyahu nagu eedeeyay, laakiin dawladu shaqo ayay leedahay baarlamaankuna shaqo ayuu leeyahay oo uu gudanayaa, sharciga ayaana kala xadaynaaya, anaguna diyaar ayaanu u nahay inaanu xadkayaga ku eekaano.”
Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo la waydiiyay inuu ka qaybgali doono dooda qaran ee dhawaan la qabanaayo, waxaanu yidhi“Doodaha qaranka ku saabsan waxa qaban kara cida uu qaranku u doortay,dawlad ayuu u doortay oo si dimuqraadi ah ku doortay,madaxweyne ayuu u doortay, anigaanu madaxweyne ii doortay, doodaha qaranka waxa qaban kara oo kaliyaata cida qaranku uu u igmaday oo kaliyaata, cid kale ma qaban karto dood qaran.”