Madaxweyne Siilaanyo Oo Safar Ugu Baxay UK Iyo UAE

0
564

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay safar ugu kicitimay dalalka Ingiriiska iyo Imaaraadka Carabta.

1

Madaxweyne Siilaanyo sidii caadada u ahaan jirtay ee ahayd inuu saxaafadda la hadlo, shalay lama uu hadal wax warbaahin ah, waxaana warsaxaafadeed laga soo saaray madaxtooyada oo koobnaa lagu sheegay in safarka madaxweynuhu la xidhiidha  “wuxuu   daaran   yahay   dar-dargelinta   hawlo   Qarankeena   muhiim  u   ah   oo   inaga   dhexeeya Waddamada   Imaaraadka   Carabta   iyo   Ingiriiska,   gaar   ahaan   dhinacyada   Dhaqaalaha, Horumarka iyo Iskaashiga, iyo arrimo kaleba.” ayaa lagu yidhi warka madaxtooyadu soo saartay.

Wuxuu warku sheegay in madaxweynuhu ku sii hakan doono dalka Imaaraadka Carabta oo uu u dhaafi doono dalka Ingiriiska, iyadoo safarkiisu qaadan doono maalmo.