Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4962/082017 uu maanta ku magacaabay saddex agaasime guud.
Madaxweynuhu:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Wasaaradda Beeraha iyo Hay’adda Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;
Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
- In Marwo, Sahra Maxamed Xuseen (Sahra Basbaaso), laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland.
- In Mudane, Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-case), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)
- In Mudane, Axmed Xaashi Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Hay’adda Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.