Madaxweyne Siilaanyo Oo La Kulmay Safiirka Ingiriiska Ee Qaabilsan Somaliland iyo Somaliya

0
674

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xafiiskiisa shalay ku qaabilay safiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya danjire Harriet Mathews.

1

Afhayeenka madaxtooyada Somaliland ayaa si kooban u sheegay in wada hadalku ku salaysnaa arrimo ay ka mid yihiin diiwaangelinta iyo doorashooyinka.

Wasiirka arrimaha gudaha Md. Yaasiin Faratoon oo isna hadal kooban halkaas ka sheegay ayaa wuxuu si kooban u sheegay in waxyaabaha ay Madaxweynaha iyo safiiradu ka wada hadleen saxaafadda loo soo gudbin doono wakhtiga ay ku haboontahay.

Safiirada Ingiriiska ayaan masuuliyiinta madaxtooyada markii ay shirka jaraa’id qabanayeen wehelin, mana jiro wax war ah oo dhinaceeda ka soo baxay.