Madaxweyne Siilaanyo Oo La Filayo Inuu Maanta U Socdaalo Imaaraadka Carabta

0
448

Picture5Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la filayaa inuu maanta u ambobaxo wadanka Imaaraadka Carabta, halkaas oo la sheegay inuu martiqaad rasmi ah ka helay dhaxal sugaha boqortooyada Imaaraadka Carabta.

Ma jiro war rasmi ah oo ay madaxtooyadu ka soo saartay socdaalka Madaxweyne Siilaanyo, laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in Madaxweynuhu dhaxal sugaha boqortooyada kala soo hadli doono xidhiidhka labada wadan, gaar ahaan maalgelinta dekedda Berbera oo ay dawladda Imaaraadka Carabtu aad u xiisanayso.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in weftiga madaxweynaha ay ka mid noqon doonaan wasiirada madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, arrimaha gudaha Cali Warancade iyo xubno kale.