Madaxweyne Siilaanyo Oo La Filayo Inuu Labada Gole U Gudbiyo Codsiga UAE Ee Saldhigyada Milatari

0
525

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu labada gole baarlamaan horgeeyo codsi ay dawladda Imaaraadka Carabtu kaga dalbanayso inay saldhigyo milatari ka samaysato magaalada Berbera, kuwaas oo isugu jira cirka iyo badda.

1

Warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in madaxtooyada Somaliland qorshaynayso sidii labada gole baarlamaan [Guurtida iyo wakiilada] fadhi wada jir ah uga yeelan lahaayeen dalabka dawladda Imaaraadka ee ah inay saldhig milatari ka samaysato magaalada Berbera ee xarunta gobalka Saaxil.

Labada gole baarlamaan ayaa la qiyaasayaa inay durduro Madaxweyne Siilaanyo ugu fasixi doonaan inuu saldhigyo milatari Imaaraadka Carabta uga ogolaado magaalada Berbera, haddii uu u gudbiyo.

Wasiirka duulista iyo hawada Farxaan Aadan Haybe, ayaa dhawaan beeniyay war uu wargeyska Geeska Afrika ka soo xigtay hay’ad warbaahineed oo fadhigeedu Ingiriiska yahay oo sheegtay in xubno ka tirsan dawladda Imaaraadka Carabtu u xaqiijiyeen inay Somaliland iyo Imaaraadku kala saxeexdeen heshiis is afgarad oo ku saabsan saldhigyadan milatari, wuxuuna wasiirku sheegay in dawladda Imaaraadku Madaxweyne Siilaanyo u soo gudbisay codsiga saldhigyadan balse aanu weli go’aan ka gaadhin.