Madaxweyne Siilaanyo Oo La Filayo Inuu Golihiisa Wasiirada Ku Sameeyo Magacaabis, Isku Shaandhayn Iyo Xil Ka Qaadis & Xubno Mucaarada Oo La Saadaalinayo Inay Ka Dhex Muuqdaan

0
543

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la filayaa inuu isku shaandhayn, magacaabid iyo xil ka qaadis ku sameeyo qaybo ka mid ah golihiisa wasiirada.

1

Wararkan oo dhawrkii maalmood ee u dambeeyay la saadaalinayay ayaa waxa kale oo cadadkiisii Jimcihii wax ka qoray wargeyska Indian ocean ee ka soo baxa dalka Faransiiska. Wargeyska ayaa sheegay in xogo uu helay ay muujinayaan in Madaxweyne Siilaanyo samayn doono isku shaandhayn saamaysa wasiiro culus oo aan laga filayn. Laakiin wargeysku ma bixin wax faahfaahin ah.

Hase yeeshee wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo uu xil ka qaadis ku samayno doono qaar ka mid ah wasiiradii mudada dheer la soo shaqeeyay iyo kuwo uu magacaabay sannadkii 2015. Wararkan oo aan weli la xaqiijin ayaa tilmaamaya in wasiirada ay doorkan seefta Madaxweyne Siilaanyo sahayan doontaa u badan doonaan kuwa ka soo jeeda gobalada Awdal iyo Maroodi-jeex. Warar aan sidoo kale la xaqiijin ayaa iyaguna sheegaya suurtogalnimada in siyaasiyiin mucaaradka ka tirsani ka dhex muuqan doonaan isku shaandhaynta Madaxweynaha, kuwaas oo la sheegay inay xukuumadu la bilowday wada hadal muddooyinkii u dambeeyay, inkastoo  la leeyahay wada hadalada qaarkood ayaa fashilmay.

Dhinaca isku shaandhaynta, waxa ay wararku iftiiminayaan in la isku bedeli doono wasiirada qaarkood, iyadoo la dalacsiin doono xubno ka mid ah wasiir xigeenada oo noqon doona wasiiro, halka wasiirana la gayn doono hay’ado kale.

Haddii uu Madaxweyne Siilaanyo sameeyo isku shaandhayntan la hadal hayo waxa muuqata in Madaxweynuhu uu go’aansaday inuu wax ka bedel ku sameeyo wasiiradiisa tan iyo wixii ka dambeeyay shirkii KULMIYE ee sababay inay xukuumadda iska casilaan wasiiradii ugu tirada badnaa.