Madaxweyne Siilaanyo Oo Kulan La Yeeshay Wasiir Xaglotoosiye

0
474

Picture1

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa habeen hore qasriga madaxtooyada kulan kula yeeshay Wasiirkiisa Caafimaadka Dr. Saleban Ciise Xaglotoosiye iyo odayaal ka soo jeeda Beeshiisa.

Kulankan ayaa yimid ka dib markii uu wasiirka caafimaadku uu tabasho ka muujiyay qaabkii ay u dhacday doorashadii lagu kala saaray murashixiinta xisbiga KULMIYE oo uu tartan adag la galay madaxweyne-xigeenka Saylici. Madaxweyne Siilaanyo ayaa codkiisa siiyay madaxweyne-xigeenkiisa,  fartaas uu Madaxweynuhu taagay oo la aaminsanyahay inay sabab u noqotay in madaxweyne-xigeenku ka guulaysto wasiirka caafimaadka Dr. Saleban.

Kulankaas oo ay sidoo kale goob-joog ka ahaayeen odayaasha dhaqanka ee Wasiirka caafimaadka iyo odayaasha dhaqanka ee Bariga Burco, ayaa waxa lagaga wada hadlay tabashada uu wasiirka caafimaadku muujiyay oo sidoo kale ku arooraysa in bariga Burco ergadii ka socotay ay ka codaysay wasiirka.

Wasiirka ayaa la sheegay inuu Madaxweynihiisa la hor fadhiistay dood iyo garnaqsi taas oo ku saabsanayd in fartaas uu madaxweynuhu taagay ay horseed u noqotay in laga guulaysto.

 Kulanka ayaa la sheegay in ugu dambayn ay Madaxweyne Siilaanyo iyo wasiirkiisa caafimaadku isku afgarteen, waxaana la sheegayaa in wasiirka caafimaadka la xaal mariyay.