Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kula kulmay Raysalwasaaraha Itoobiya Haile Mariam Desalegn.
Kulanka labada masuul ayaa qaatay saacad, waxaana natiijadii kulankaas ka hadlay Madaxweyne Siilaanyo oo markii uu shirku dhammaaday telefishanka qaranka Somaliland si kooban ugu waramay waxaanu yidhi “Waxaanu raysalwasaaraha ka wada hadalnay danaha labada dal, xidhiidhka labada dal oo dhinac walba leh dhinaca nabadgelyada, shir fiican oo wanaagsan ayaa noo dhacay oonu si fiican iskugu afgaranay, waanan uga mahadcelinaynaa dawladda Itoobiya sida sharafta iyo qiimaha leh ee ay noo soo dhaweeyeen.”
Madaxweyne Siilaanyo waxa kulanka ku weheliyay wasiiradiisa arrimaha dibadda, madaxtooyada iyo arrimaha gudaha iyo safiirka cusub ee Somaliland u fadhiyi doona Addis Ababa, ku xigeenkiisa iyo xoghayaha madaxweynaha.
Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisa ayaa la filayaa inay maanta ku soo laabtaan caasimadda Hargeysa.