Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Muquurtay Inuu Go’aan Ka Gaadho Saami Qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiilada Iyo Talladii Oo Uu Dib Ugu Soo Celiyay Cirro

0
572

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa ka gaws adaygay inuu go’aan ka gaadho saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada ee gobalada Somaliland oo ah mawduuc  xaasaasi ah, waxaanu ku soo riixay oo uu taladeeda iskaga soo celiyay dhinacyo kale.

1

Warqad jawaab celin ah oo uu Madaxweyne Siilaanyo 14 June 2016 u soo qoray guddoomiyaha golaha wakiilada ahna hoggaamiyaha Waddani Md. Cabdiraxmaan-cirro, ogaysiina la siiyay shirguddoonka wakiilada,  xisbiyada qaranka iyo guddiga doorashooyinka qaranka, ayaa wuxuu Madaxweyne Siilaanyo guddoomiye Cirro kaga codsaday inuu isugu yeedho xisbiyada qaranka, guddiga doorashada iyo daneeyayaasha kale si tallo qaran looga gaadho saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada.

Shirguddoonka golaha wakiilada ayaa hore Madaxweyne Siilaanyo ugu gudbiyay xog ururin ay guddiga arrimaha gudaha ee golaha wakiiladu ka soo ururiyeen gobalada dalka oo ku saabsan saami qaybsiga, iyagoo Madaxweynaha ka codsaday inuu tallo ka gaadho.

Hase yeeshee taladii Madaxweyne Siilaanyo, ayaa sida warqadiisan ka muuqata wuxuu guddoomiye Cirro ka codsaday inuu isugu yeedho xisbiyada, guddiga doorashada iyo daneeyayaasha kale, waxaana la isweydiiyay sida uu guddoomiye Cirro oo geesta kale ah hoggaamiye xisbi uu isugu yeedhi karo asxaabta kale ee qaranka.

Warqada Madaxweyne Siilaanyo oo uu ku socodsiiyay guddoomiye Cirro, ayaa u qornayd sidan “Anigoo tixraacaya warqada aad ii soo dirtay ee sumadeedu tahay REF: GW/G/16/41/44/2016, ujeedaduna tahay in talo qaran laga yeesho qaybinta kuraasta Golaha Wakiilada, anigoo ka duulaya inay ka mid tahay  xilka iyo waajibaadka saran golaha wakiilada diyaarinta qabyo tirka iyo diyaarinta xeerka doorashada wakiilada oo ay ku jirto qaybinta kuraastu.

Anigoo aaminsan ahmiyada ay leedahay in Doorashada Madaxtooyada iyo Wakiiladu ay ku dhacaan xilligii loogu talagay,

Anigoo darsay warbixinta ay Golaha  usoo  gudbiyeen Guddida Arrimaha Guddaha, Difaaca iyo Nabadgalyada ee Aqalka Wakiiladu taas oo ku lifaaqnayd waraaqdaadii.

Anigoo xogogaal u ah duruufaha iyo dareenada ku xeeran qabyo tirka xeerka doorashada golaha wakiilada, gaar ahaan saami qaybsiga kuraasta baarlamaanka.

Haddaba, haddii ay ku adkaatay aqalka aad odeyga u tahay inuu isku raaco ama ku dhiirado,ansixinta qodobada bud-dhiga u ah xeerkan, ee ay ka mid tahay qaybinta kuraasta wakiilada cusub.

Waxaan soo jeedinayaa inaad shir gudoonkiina golaha wakiiladu aad hormood ka noqotaan isla markaana haaneedka qabataan  wada tashi loogu gogol xaadhayo, sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha ku xeeran, diyaarinta iyo ansixinta xeerka Doorashada Golaha Wakiilada,iyadoo lagu xisaabtaamayo wakhtiga gaaban ee Doorashada ka hadhay.

Sida darteed waxaan lagama maarmaan u arkaa in laga qayb galiyo talada arintan, darafyada iyo daneenayaasha kale ee ay quseeyso (stakeholders), ee hoos ku xusan:

1-Madaxda saddexda Xisbiga ah qaran oo ah aasaaska nidaamkeena  siyaasadeed

2-Guddida Doorashooyinka Qaranka oo ah Hay’adda inoo qaabilsan maamulka iyo  maareeynta Doorashooyinka

3-Ururadda Bulshada oo matalaya, bulsho weynta  Somaliland isla markaana ah tiir iyo dhadhaab adag oo xagga dimuqraadiyada iyo kalsoonida shacabka.

Waxaan rajaynayaa inaad wada tashigaas balaadhan ka soo saari doontaan talo dhaxal gal ah oo suurtagelin karta doorasho xor iyo xalaal ah.”