Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadlay Natiijada Kulan Uu Shalay La Yeeshay Raysalwasaaraha Itoobiya

0
582

Picture8Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay la kulmay raysalwasaaraha Itoobiya Hailamariam Desalegn, waxaanay ka wada hadleen xidhiidhka labada wadan.

Kulankaas oo ay Madaxweyne Siilaanyo ku weheliyaan xubno ka mid ah golaha wasiirada oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibadda md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa markii uu dhammaaday wuxuu Madaxweyne Siilaanyo sheegay inay raysalwasaaraha Itoobiya ka wada hadleen xidhiidhka labada dal. “xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland ka dhexeeyaa waa mid wax wada qabsi iyo saaxiibtinimo ku fadhiya oo leh dhinac walba oo ah horumarinta labada dal iyo wada shaqaynta, xagga gnacsiga, xagga dekedaha, waddooyinka aanu dhinac walba wax ka wada qabsano ayaanu isla garanay.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu intaas raaciyay “Waxaanu rajaynaynaa in wada shaqayntayadu ay sii korodho oo ay noqoto wax tar labada dalba anfaca.”

Madaxweyne Siilaanyo ayaa Addis Ababa safar ku tagay jimcihii, isagoo sheegay inuu martiqaad rasmi ah ka helay raysalwasaaraha Itoobiya. Madaxweyne ayaa la filayaa inuu Isniinta dalka dib ugu soo laabto.