Hargeysa (Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) oo Shalay Safar ku tagay magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Borama, ayaa waxa uu ka qayb galay Qalinjebinta Dufcadii 14aad ee ka baxda Jaamacada Camuud oo noqonaysana dufcadii 5aad ee uu Madaxweynuhu si xidhiidha uga qaybgalo.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa munaasibada qalan-jebinta waxa uu ka soo jeediyey hadalo iskugu jira dhiirigelin, dardaaran iyo waano, waxaanu Jaamacada Camuud ku tilmaamay inay tahay Jaamacad taariikh weyn ku leh Qaranka iyo Shacbigaba, isaga oo hambalyo u diray Gudoomiyaha jaamacada Prof. Saleeban , Maamulka iyo Macalimiinta jaamacada, waxaanu balan qaaday inay xukuumad ahaan ka qeyb qaadan doonaan kaalintooda tayeynta Waxbarashada.
Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacada Camuud Prof: Saleebaan Axmed Guuleed oo warbixin guud ka siiyey Madaxweynaha marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay jaamcadu iyo natiijada ka dhalay dedaalkii ay sameeyeen oo ay maanta qalinjebinayaan ardaydii ugu horaysay ee Master Degree qaadatay, sanadkana ay ku talo jiraan inay bilaabaan PHD, waxaanu ku dheeraaday tayeynta iyo kaabida waxbarashada jaamacada camuud, taasi oo ka dhigtay jaamacadan qiimayn lagu sameeyey jaamcadaha guud ahaan meelaha af-soomaaliga lagaga hadlo, ay noqotay mid kaalinta koowaad ka gashay guud ahaan jaamacadaha sida qiimayntaasi lagu cadeeyey.
Guddoomiyaha Jaamacada Camuud uu sidoo kale kula dardaarmay ardaydii ka qalinjebisay Jaamacada Camuud oo tiradoodu dhantahay 863 Arday, inay dhawraan magaca jaamacada muujiyaana aqoonta ay soo barteen Qaranka iyo Bulshadana ay ugu adeegaan.
Dhanka kale waxa iyana munaasibadaas qalanjabinta ka hadlay Masuuliyiin kala duwan, Waalidiin iyo Laba Arday oo ku hadlaayey afka Ardayda qalinjebinaysay.
Ugu danbayna waxa uu Madaxweynuhu Shahaado sharaf gudoonsiiyey Ardaydii ka qalinjebisay dufcadaha kala duwan ee jaamacada camuud iyo xubno kala duwan oo lagu sharfay kaalinta ay ku leeyihiin taakulada iyo dhiirigelinta jaamacada