Madaxweyne Siilaanyo Oo Bilaabay Kulamo Uu La Yeelanayo Murashixiinta Iyo Garabyada Kale Ee Ku Loolaya Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga KULMIYE

0
668

Picture6Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa bilaabay inuu kulamo xog-waraysi ah la yeesho dhinacyada ku loolamay murashaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE, oo shirkiisa golaha dhexe la muddeeyay 10 November.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa shalay kulan la yeeshay guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ah murashax doonaya in KULMIYE u xusho inuu doorashada 2017 noqdo murashaxa madaxweyne ee xisbiga. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulankaas, laakiin ilo xogogaala ayaa  sheegay in Madaxweyne Siilaanyo uu guddoomiyaha KULMIYE ka dhagaystay warbixin ku saabsan xaaladda uu xisbiga KULMIYE afka saaray.

Geesta kale Madaxweyne Siilaanyo ayaa sida ay ilo xogogaali Geeska Afrika u sheegeen, saaka la balansan inuu kulan noocan oo kale ah la yeesho labada murashax ee kala ah wasiirka khaarajiga Maxamed Biixi Yoonis iyo xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo ay wehelin doonaan labada ku xigeen ee golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf Axmed iyo weliba laba ka mid ah ahoggaanka KULMIYE oo kala ah  Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo ah guddoomiye-xigeenada  xisbiga KULMIYE.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa la filayaa inuu garabkan lixda xubnood ka kooban sidoo kale kala hadlo loolanka xisbiga KULMIYE ka taagan iyo xiisadda kala qaybisay xisbigii iyo xukuumadii ee uu loolanka murashaxnimo sababay.

Kulamadan bilaabmay ayaa la filayaa in Madaxweyne Siilaanyo ka dib marka uu dhagaysto doodahooda, ay suurtogal tahay inuu soo saaro go’aamo iyo tallooyin lagu furdaaminayo xaaladda adag ee ka taagan KULMIYE, inkastoo ay dadka siyaasadda orodosaa tilmaamayaan inay adagtahay in Madaxweyne Siilaanyo go’aamo cad cad ka qaato xiisada xisbiga KULMIYE.