Madaxweyne Siilaanyo Oo Badhasaabka Togdheer U Magacaabay Maxamed Muuse Diiriye

0
680

Picture5Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xalay magacaabay badhasaabka gobalka Togdheer, kaas oo ah Md. Maxamed Muuse Diiriye.

Maxamed Muuse Diiriye, oo ahaa agaasimihii telefishanka qaranka ee xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu bedeli doonaa badhasaabkii hore ee Togdheer Axmed Cumar Cabdillaahi oo toddobaadkii hore is casilay. Sidoo kale madaxweynuhu wuxuu badhasaabka gobalka Selel u magacabay Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble, oo isna wakhtigii Daahir Rayaale ahaa wasiirkii dhaqanka iyo dalxiiska, isagoo xilka ka qaaday badhasaabkii Selel iyo ku xigeenkiisii. Warsaxaafadeed uu xalay soo saaray afhayeenka Madaxtooyada Mr. Axmed Saleban Dhuxul, ayaa u dhignaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu yahay JSL/M/XERM/249-2249/012014, ku magacaabay Gudoomiyeyaasha Gobolada Togdheer, Selel iyo Gudoomiye ku xigeenka gobolka Selel, sidoo kalena waxa uu xilalkii ka qaaday Gudoomiyihii hore ee gobolka Selel iyo ku xigeenkiisii, halka gudoomiyihii hore gobolka Togdheeri uu sheegay in uu isagu iska casilay  xilkii gudoomiyenimo, Madaxweynuhuna uu buuxiyey xilkaasi.

  WUXUU GO’AANSADAY

1.      In Mudane, Maxamed Muuse Diiriye, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Togdheer ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2.      In Mudane, Cabdi-risaaq Waaberi Rooble, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Selel ee Jamhuuriyadda Somaliland. 

3.      In Mudane, Cabdil-qaadir Aadan Yuusuf, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Selel ee Jamhuuriyadda Somaliland.”