Madaxweyne Siilaanyo Oo 28 Caano-maal Ka Dib Beri Subax Ku Soo Laabanaya Caasimadda Hargeysa

0
531

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu 28 maalmood oo uu dalka Imaaraadka Carabta ku maqnaa ka dib jimcaha beri dib ugu soo laabto dalka.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa markii uu dalka ka dhoofay waxay madaxtooyadu sheegtay inuu safar u gaar ah oo qaadan doona tobaneeye maalmood ku tagi doono dalka Imaaraadka Carabta. Laakiin socdaalka madaxweynaha ayaa qaatay 28 maalmood. Mudadaas uu dalka ka maqnaa waxa madaxweyne Siilaanyo laga soo sheegay inuu galay xaalad caafimaad darro, laakiin madaxtooyada iyo wasiirada ayaa beeniyay, iyadoo madaxweynaha laftiisu muuqaal laga soo duubay uu ku sheegay inuu ku suganyahay xaalad caafimaad oo wanaagsan.

Wuxuu noqonayaa madaxweynihii u horeeyay ee Somaliland soo mara ee muddo intas leeg dalka dibadda ugaga maqnaada wax loogu yeedhay hawlo u gaar ah.

Madaxweyne Siilaanyo ayaan la ogayn inuu shirjaraa’id ku qaban doono madaarka si uu u beeniyo wararkii laga baahiyay, bulshadana u tuso inuu caafimaad qabo.