Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, oo ku guulaystay doorashadii dalkaas ka dhacay.
Sidoo kale guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ahna murashaxa xisbigaas Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaha xisbiga Waddani ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa iyana u diray Madaxweynaha Djibouti dhambaal hambalyo ah.
Madaxtooyada
Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa wuxuu u dhignaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa shacbiga iyo dawladda jabuuti, doorashada sida nabadgelyada ah uga qabsoontay dalkaasi Jimcihii, isagoo si gaara hambalyadaasi ugu diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo markii Afraad loo doortay hoggaaminta dalkiisa.
Waxanu madaxweynuhu yidhi “Anigoo ku hadlaya Magacayga, kan dawladda iyo kan shacbiga Somaliland, waxaan madaxweyne, kugu Hambalyeynayaa doorashadii sida nabad-gelyada leh uga dhacday dalka Jabuuti Jimcihii (08/04/2016), waxaanan si gaar ah kaaga tahniyadaynayaa guusha aad ka gaadhay in shacbiga dalka Jabuuti ku doorteen madaxweynaha dalka Jabuuti mar kale.
Madaxweyne waxaan ku kalsoonahay in horumarka muuqda ee ay Jabuuti ku talaabsatay muddadii aad hogaaminaysay uu sii socon doono, anigoo aaminsan in xidhiidhka ka dhaxeeya labadeena dal uu noqon-doono mid midha dhal ah oo sii xoogaysta.”
Warsaxaafadeedka uu xisbiga KULMIYE, soo saaray ayaa isna u dhignaa sidan
Waxaan mar labaad si farxadi ku dheehantahay kugu hambalyeynayaa guusha taariikhiga ah ee aad ka soo hooysay doorashada dalkaaga ka qabsoontay oo ahayd mid taariikhiya.
Waxanan idiin rajaynayaa Mudane Madaxweyne, adiga, dawladda iyo Shacabka reer Jabuuti ee aanu Walaalaha nahay in aad ku waartaan Barwaaqo, Nabadgelyo iyo Horumar”.
KULMIYE
Warsaxaafadeedka Ka soo baxay xisbiga KULMIYE ee uu Md. Muuse Biixi Cabdi ku bogaadiyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, ayaa wuxuu u dhignaa sidan “Waxaan dhambaal hambalyo ah u dirayaa shacabka, dawladda iyo Madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ee ay u hirgashay doorashada madaxtinimo ee codbixinteedu qabsoontay maalintii Jimcaha, natiijadeedna lagu dhawaaqay maanta oo Sabti ah (09/04/2016).
Waxaan si gaar ah hambalyo iyo bogaadin ugu diyaraa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane, Ismaaciil Cumar Geelle guusha uu ka gaadhay doorahsadaasi ee loogu doortay xilka Madaxweynenimo mar afraad. Waxaan u arkaa in hannaanka nabadgalyada ah ee ay u dhacday doorashada Jabuuti iyo guusha uu mar kale ka soo hooyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay sii xoojinayso nabad-ku-wada noolaanshaha shucuubta ku dhaqan dalalka ku yaal Gobolka Geeska Afrika iyo sii socoshada dedaalka horumarinta guud ahaan Mandaqada, gaar ahaanna dalka Jabuuti.
Ugu dambayntii, annigoo ku hadlaya afka hoggaanka xisbiga KULMIYE, Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, guud ahaan taageerayaasha xisbiga iyo xilkayga Guddoomiyaha iyo murrashaxa jagada madaxweynenimo ee xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan Ilaahay uga baryayaa Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle inuu u fududeeyo xilka cusub ee mar kale ay u dhiibteen shacabka dalkiisu, kuna guulaysto horumarinta waddankiisa iyo dadkiisaba.”
Waddani
Hoggaamiyaha xisbiga Waddani ahna guddoomiyaha golaha wakiilada Md. Cirro, ayaa isaguna wuxuu warsaxaafadeedka hambalyada ah ee uu u diray Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ku yidhi sidan “Guddomiyaha Gollaha Wakiilada Somaliland ahna guddomiyahaa Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro isagoo ku haddlaya magaciisa ka mudanayaasha golaha wakiilada iyo ka xisbiga WADDANI,wuxuu dhammaal hamabalyo ah u dirayaa shacabka reer jabuuti iyo dowlda dalka jabuuti,isagoo ku hamabalyeyna doorashadii sida nabadglyada lahayd uga qabsoontey dalkaasi jimcihii doraad,waxaanu si gaar ah u hambalyeynaa guddoomiye C/raxmaan Cirro Madaxweynaha dalkaasi Jabuuuti oo markii afraad loo doortay maalintii jimcihii inuu noqdo madaxweynaha dalka jabuuti.
Md C/raxmaan Cirro ayaa sheegay inuu ku faraxsanyaha guusha uu doorashadii madaxatooyada maalintii jimcihii ka dhacday dalka jabuuti uu ka gaadhay Madaxweyne Md. Ismaciil Cumar Geelle,ka dib ay shacabka reer Jabuuti marki afraad u dooteen madaxweyne jamhuuriyada jabuuti inuu noqdo Md.Ismaaciil Cumar,waxaanu xusay guddoomiye C/raxmaan Cirro inuu Madaxweyne Ismaaciil uu ku suntayahay astaanta horumarka Geeska afrika,isagoo sidoo kalena Guddoomiye Cirro ku hambalyeeyay shacabka reer jabuuti ee codkooda siiyey ismaaciil cumar Geelle iyo guud ahaanba shacab weynaha reer jabuuti .
Guddoomiye c/raxman Cirro ayaa sheegay in uu u rajaynayo shacabka reer jabuuti iyo madaxweynaha marka afraad loo doortey hoggaminta talada dalka jamhuuriyada jabuuti ee Ismaciil Cumar Geelle in ay ku nooladaan nabad barwaaqo iyo horumar.”