Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa qormo dheer oo uu diyaariyay ayaa wuxuu kaga hadlay xaalada siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka, waxaanu si gaar ah u beegsaday golaha guurtida iyo muddo kordhinta ay caanka ku yihiin wakhtiga ay mudada xil hayneed ee xukuumaduhu dhammaadaan. Waxa kale oo uu ka hadlay wakhtiga xil hayneed ee golaha wakiilada oo isaguna muddo dhaaf ah.
Maxamed Xaashi, qoraalka waxa kale oo uu kaga hadlay oo uu isweydiiyay sababta ay xubno wasiiro ahi Madaxweyne Siilaanyo uga horistaagaan in su’aalo la weydiiyo. Qoraalka Maxamed Xaahsi oo uu Geeska Afrika soo gaadhsiiyay wuxuu ku yidhi sidan “Bal aan dhawr qodob ka soo qaado Dastuurka, si aan isu bar-bar dhigo, Waajibaadka Dastuurku siiyay Madaxweynaha J.S.L. iyo hab-dhaqanka Madaxda dalka:-
Dastuurka qodobka 90aad, waajibaadka Madaxweynaha oo ah: Madaxa Qaranka iyo Dawladda, waana astaanta midnimada muwaadiniinta ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland. Wuxu u xilsaaran yahay daryeelka haybadda dalka, ilaalinta nabadgelyada, horumarka bulshada iyo habsami u-socodsiinta maamulka Dawladda.
IYADOO UU MAANKA KU HAYO halgankii kululaa ee isbahaysigii ururka SNM hogaaminayey u soo maray dib-ula-soo noqoshada madax bannaanida ee loo huray naf iyo maalba si loo helo nidaam dawladeed oo ummadda nasteex u ah;
IYADOO UU HIIGSANAYO dawladnimo ummadda wada deeqda, oo la mahadiyo, kuna dhisan sinnaan iyo caddaalad;
IYADOO UU YAQIINSAN YAHAY in lagu gaadhi karo deggenaansho iyo xasilooni waarta, iswaafajinta la is-waafajiyo dhaqan-maamuleedka dalka iyo caqiidada ummadda;
Haddaba waxa isweydiin mudan, Halkee maanta xaalka Dalku maraysa? 1. Muddada xilka ee Xukuumaddani waxa ay ku egg tahay 26 June 2015. 2. Wakiilada muddadii xilkoodu wuu dhamaaday, waxay ku fadhiyaan mudo kordhis aan sharci ahayn.
3. Guurtida waligeedba lama dooran, oo Sharci-darro ayay ku fadhiyaan.
Marka taariikh tahay 26 June 2015, dawladdu dhamaan way ka wada xuub-siiban, sharciyaddii Dastuurka iyo Xeer-hoosaadyadiisii siiyeen oo dhan.
Xaaladda Dadweynuhuna ma fiicna, oo wuxu u qaybsanyahay, in yar oo ku xisaabtamaysa millions U.S. dollars, in badan oo sabool ah iyo in aan dabba loo shidin. Waxa kaloo jirta shaqala’aan baahsan oo u badan da’yarta iyo tahriibkii oo weli socda. Iyada oo waxaas oo dhibaato ahi dalka ka taagan tahay, ayaa Guurtidu siinaysa xukuumuda muddo kordhin abaal-gud ah.
Muddada xilka ee Xukuumaddu waa shan sano. Golaha Wakiiladana waa shan sano. Guurtidana waa lix sano. Dawladaha waa weynna muddo xilood koodu waa affar sano.
Marka Madaxweyne kastaa doono muddo kordhin aan sharci ahayn, miyaan la odhan karayn, arrinteenu waa kursi jacayl lagu urursanayo adduun iyo musuq-maasuq seetadii goostay. Waxa ay madaxdeenu ku asturtaan; Somaliland waa Dal yar oo curdin ah, oo aan aqoonsi iyo cid caawisa aan lahayn.
Haddana tirada wasiirada xukuumaddani waa toddoba iyo konton (57 wasiir, wasiiru-dawle iyo wasiir ku-xigeen) kharashkeeduna aad buu u badanyahay.
Dastuurka 42. 3. Mudo kordhintu waxay ku iman kartaa: Hadii doorashada golaha wakiiladu ku qabsoomi weydo duruufo adag awgeed, golaha hore, ayaa xilka sii haynaya inta ay ka dhamaanayso duruuftaasi, lagana dooranayo Gole Cusub. Duruufaha adagi maxay yihiin?
Duruufaha adagi waa: dagaal baahsan, xasilooni darro gudaha ah, aafo dabiici ah oo culus sida dhul gariir, cudurada faafa, abaaro culus; waxaana qiimaynaya kana go’aan gaadhaya Golaha Guurtida ka dib marka Golaha Xukuumaddu sidaa soo jeediyo.
Muddo kordhin aan ku iman, asbaabta kor ku xusan (Dastuurka 42-3) ma aha sharci. Waa muddo kordhin abaal-gud loo siinayo Xukuumad xilkeedii gabtay. Shirguddoonka Golaha Guurtidu, arrin aan sharci ahayn oo khilaafsan qodobka kor ku xusan, ma aha inuu Golaha keeno ama dood ka furo. Dalku bur-bur buu ku sigtay, markii Rayaale dalbaday muddo kordhin khilaafsan sharciga. Arrintiina maantana way taagantahay.
Guurtidu waa in ay ixtiraamto sharciyada Dalka oo ay danayso xilkii loo dhaariyay iyo xasiloonida Dalka. Waa in ay ka waantowdo dhaqan xumada muddo kordhinta ee ay caadaysatay.
MUDDO KORDHINTU waxa ay usoo noq-noqonaysaa ee Madxweyne waliba u doonaa, waxa isku dana noqday ama gacansaar yeeshay, Xukuumaddii iyo Xeer-dejintii, ay ahayd in ay is-dheelitiraan. Waxa ay daboolka saareen, danihii Ummadda iyo xilkii loo doortay.
Xumaha iyo wax yeelada Guurtidu Dalka ku hayso lama soo koobi karo. Haaddii aan, wax yar ka taabto, sababaha iyo danaha, Xukuumadda iyo Baarlamaanka ugu jira, Muddo kordhinta, balse aan danta ummadda ahayn waxa ka mid ah:
Tayo xumo tartan la’aanta xubnaha ah. Tusaale: Tiradii Guurtidu waxa ay ahayd; 82 xubnood; Waxa ka jooga laba iyo toban (12) xubnood, oo Affar bukaan jiif yihiin. Toddobaatan (70) waxa ay ku fadhiyaan, DHAXAL. Qaar koodna way ka yar yihiin 45 kii da’da Guurtida.
Dhaxal tooyadu ma aha sharci. Waa in loo tartamo, oo la doorto, dad u qalma, oo buuxin kara, arrimaha Golaha Guurtidu gaar u leeyahay ee ah dejinta:- Xeerarka ku saabsan Diinta, dhaqanka iyo nabadgelyada.
Waa arrin Guurtidu tasaysay, Xukuumadda iyo G/wakiiladuna raali ka yihiin. Xaaladda maantu way ka duwan tahay, tii hore. Wararka ka soo burqanaya, madaxda Xukuumadda qaar kood iyo kuwa Xisbiga Kulmiye, waxa ay tibaaxaan muddo kordhin laba sano ilaa laba sono iyo badh ah.
Ficiladooda kalena, waxa ku daahan, caafimaad darro Madaxweynaha ah. Marka uu shir jara’id qabto ama G/Wakiilada ka hadlo, waxa is bar-bar yaaca, dhawr u qaabilsan, in aan su’aalo la weydiin Madaxweynaha.
Maxaa loogu diidayaa in Madaxweynaha su’aalo la weydiiyo? Shakki iyo warar la faafiyo, looma baahna. “Medical report” ayaa ku filan. Mudane Madaxweyne, sida maamulka Dalku u socdaa ma haboona. Xisbigii Kulmiye wuu qaybsan yahay, oo qaar kood tartan doorasho ay ku jiraan. Adiga oo kursigii ku fadhiya. Wasiiraduna waa kutlado.
Shantii sano ee muddada xilka, wax yar baa kaaga hadhay. Go’aankii bad-baada Qaranka ee aad qaadatay 2010kii , maantana waa lagaaga baahan yahay. Magacaaga; maamuus kaaga iyo bad-baadada dalka ayaa ku jira, in aad xilka aad ummadda u hayso ku soo gunaanaddo muddadii xilka ee laguu dhaariyay ee 26 June 2015. Alle ha inna waafajiyo sidii khayrku ku jiro. Aamiin. “