Harare(Geeska/W.Wararka)-Hoggaamiyaha wadanka Zimbabwe Robert Mugabe, ayaa u dabaal degay sannad guurada 95aad ee ka soo wareegtay wakhtigii uu dhashay.
Tobanaan kun oo qof ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusayo sannadguurada 95-aad ee ka soo wareegatay markii uu dhashay madaxweynaha Zimbabwe, Rober Mugabe.
Dadka Mugabe dhaliila ayaa waxa ay sheegayaan in xafladdaasi ay ku kacday kharash gaadhaya 800,000 oo doolar, kharashkaas oo ah mid aan habboonayn maadaama waddankaasi uu haatan wajahayo abaar.
Madaxweyne Mugabe ayaa awoodda dalkaasi hayay tan iyo sanadkii 1980-kii, xilligaasi oo Zimbabwe ay soo afjartay xukunkii caddaanka laga tirada badnaa, ayna si buuxdo xornimada uga qaadatay Britain.
Mr. Robert Mugabe, ayaa dhawrkii sannadood ee u dambeeyay, inkastoo uu caafimaadkiisu taam yahay, haddana wuxuu la daalaa dhacaya cimriga soo waajahay ee gabowga ah, waxaana muddooyinkan dambe ay mucaaradka dalkaasi ku doodaan in xaaskiisu ay si aan toos ahayn ula wareegtay taladii dalkaas, iyadoo ka faa’iidaysanaysa da’da soo waajahday odaygeeda.