Hargeysa (Geeska) Siyaasi Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi Xamarji oo kamid ah saraakiish sarsare ee Xisbiga WADDANI oo shalay xarunta guud ee Xisbiga WADDANI kula haddlay-war-baahinta ayaa ka haddlay shir laf-jab ku aha qaranimada Somaliland,kaasi oo ka dhacay magaalada Burco,isla markaana uu goob-joog ka ahaa Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu tilmaamay in uu shirkaasi ahaa mid karaamada iyo kansoonida lagu qabay Madaxweyne Siilaanyo ay ku luntay "Horta waxaan halkan ka sheegayaa abaartee baahsanayd ee ka dhacday
Somaliland ,abaaruhu marka ay ina soo maraan dhaqanka somaliyeed magac ayaa loo bixinjiray,abaartan waxa loo bixiyey KULMIYE,runtii waxaan leeyahay abaartii KULMIYA ee sida baahsan uga dhacday somaliland ilaahay waxaan uga baryayaa in uu inaga soo qaboojiyo,intaas waxaan leeyahay shirkii ceebeed ee ka dhacay Burco gaar ahaana uu fadhiyey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo wasiiradii waa weynaa ee ay kamid tahay marwo Samsam Cabdi Aadan,waxaan odhanayaa iyada dumar-baa ka tahayoo wax-ba dunida kama ogid Samsamay malaa 1954-kii si fudud ayaad u haysataaye ,waxay ahayd xaalad fool xun oo ka dhacday dagaal ehliyadeed,xiligii casri jaahiligii ayey ahayd, manay ahayn in aad ollole iyo kaanbayn ka dhigato adigoo wasiiradii ugu waa weynaaya runtii waxaan leeyahay gobolkana xaal ayaanu ka siinaynaa,cunfigaa iyo xumaantaa Madaxweynaha hortiisa umada lagu kala faquuqaayo, anagu haddi aanu nahay bah-weynta WADDANI aad iyo aad ayaanu uga xun-nahay " Ayuu yidhi Siyaasi Xamrji
Siyaasi Axmed Cumar xamrji oo haddalkiisa sii watay ayaa sheegay inuu in badan Madaxweyne Siilaanyo la soo shaqeeyey wakhtigi uu mucaarad ahaa Madaxweyne Siilaanyo iyo intii uu talad dalka gacanta ku dhigay isago, balse Xamarji ayaa xusay in uu Siilaanyo qab-yaalada necbaa,isagoo hoosta ka xariiqay in ay tahay wax laga xishood in Madaxweyne Siilaanyo hortiisa laga sheego inaga oo Sacad Muuse Ah iyo angoo Habar-jeclo ah "Madaxweyne waxaan ku leeyahay anigu in badan ayaan kula soo shaqeeyey adigoo mucaarad ah iyo adigoo muxaafid ah-ba, waxaan aad u xasuustaa oo aad caan ku ahaan jirtay anigu ma aqaano dadka waa weyne waxaan aqaana da'yarta iyo haweenka,waxaad ka xishoon jirtay qabaa ilka,waxaad ka xishoon-jirtay aadan madoobe-nimadaada,waxa nasiib darri ah in aad maanta Burco dhex-deeda ku tidhaah-do hortaatana lagaga sheekeeyo hadaynu nahay sacad Muuse iyo haddaynu nahay Habar-jeclo,Madaxweyne waa wax laga xishoodo , waa wax aan karraamadaada ahayn waa wax qaranimadii somaliland aad hoos ugu dhigtay." Ayuu yidhi Xamarji
Geesta kalena Siyaasi Axmed Cumar Xamarji ayaa sheegay in uu Madaxwaynihii hore ee dalka Daahir Rayaale Kaahin ka fiicanaa Madaxweyne Siilaanyo,isagoo xusay inuu hadda Madaxweyne Siilaanyo sheegay in uu Madaxweyne u yahay Beelaha Sacad Muuse Iyo Habar-jeclo oo qudha,waa sida shirkii uu Madaxwene Siilanyo kaga qayb-galay Burco ay ka sheegtay wasiirad Samsam-ta wasarada maliyadu"Mudane Madaxweyne haddaa maanta Madaxweyne u noqtay labadaa beelood, beelihii kale ee ballaadh-naa ee boqolkiiba sideetan-ka ahaa 80%, Mudane Madaxweyne bal cidii Madaxweyne u noqon layad adiga ayaa sheegi-doona, mudane Madaxwayne sidee laguugu aamini karaa in aad niman-ka hareeraha kaa taagan ee tartamayaasha ah ee saddex-da qof ah,sidee Madaxweyne kalsoonidaa iyo damiir-kaagu kuu siin-karaa in lagu qanci karro go'aan kaa soo baxa, Md.Madaxweyne sidee hoggaamintaada iyo sidii Daahir Rayaale sheegay khudbadisii dardaaranka ahayd,Md Madaxweyne daahir Rayaale ayaa kaa adkaaday dal mid ah ayuu kugu wareejiyey, dal mid ah ayuu kugu wareejiye oo umada isku duuban ayuu kugu wareejiyey.Ayuu yidhi Siyaasi Xamarji
Gebagebadii Siyaasi Xamarji ayaa Madaxweyne Siilaanyo ka dalbaday inuu umada xaal ka siiyo shir doceedkaa Burco ka dhacay iyo wixii ka soo baxay-ba,waxaanu sheegay inuu Madaxweyne siilaanyo uu dowladiisa u baa'biiynayo Muuse Biixi,balse haddana laga cabsi qabo in uu Madaxweyne Siilaanyo uu Somaliland u dumiyo inta uu isleeyahay u hiili Muuse Biixi "Mudane. Madaxweyne Muuse Biixi hiil kuugu muu hadhin dowladaadii ayaa ugu baa'biisay oo afartii dowladood ee dalka soo maray tii ugu dareerka bad-nayd ayey dowladaadu ahayd waxaanad ku galab-satay hiilka Muuse Biixi ,malaga yaabaa Madaxweyne hiilka Muuse Biixi Cabdi in ay gacan-taada Somaliland ay dib ugu baa'bado, hadaantii laga soo saaray ee aad debad ugu baxdayna ay dib ugu dhacdo,Md. Madaxweyne haddii aad imaqlayso waxaan kugu cel-celinayaa shirkaa dib uga noqo umadda xaal ka sii wixii ka soo dhacayna ka xaal mari ,waa haddii aad ogayd.