Madaxweyne Obama Iyo Madaxweynaha Afgaanistaan Oo Si Weyn Isu Maandhaafsan

0
577

Picture3Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa kulan albaabada u xidhan yihiin la yeeshay Xogyaha Difaaca Maraykanka iyo Taliyaha ciidamada NATO ee ku sugan Afghanistaan, xili muran ka taagan yahay heshiiskii afghanistaan.

Obama ayaa la kulmay Xoghayaha Difaaca Chuck Hagel iyo Jeneraal Joseph Dunford oo ah Taliyaha Ciidamada Maraykanka iyo kuwa NATO ee ku sugan Afghanistaan, si looga hadlo qorshaha ciidamada looga soo saarayo dalkaasi Afghanistaan iyo caqabada hortaagan heshiiskii la xariiray wadashaqenta Afghanistaan iyo Maraykanka wixii ka danbeeya sanadka 2014.

Madaxweynaha Afghanistaan Xamiid Karsaay ayaa diidan weli inuu saxeexo heshiiskii Maraykanka iyo afghanistaan ee qorshaha xigi doona marka Maraykanka inta badan ciidamadiisa kala baxo Afghanistaan dhamaadka sanadkan.

Heshiiskan ayaa ah mid hore loogu heshiiyey in la saxeexo bishii Oktoober ee sanadkii lasoo dhaafay balse illaa iyo hada waxaa diidan inuu saxeexo Madaxweynaha afghanistaan.

Qodobada heshiiskan ayaa waxaa kamid ah tirada ciidamada Maraykanka uga tagi doono Afghanistaan iyo xeryaha uu kusii lahaan doono wadankaasi, balse Maraykanka ayaa sheegay in hadii dowlada Afghanistaan saxeexo weydo heshiiskan ay gebi ahaan kala bixi doonto ciidamadeeda wadankaasi, arrintan ayaa khatar ku ah amaanka dowlada Afghanistaan oo aan hada heysan ciidamo ku filin amniga dalkeeda.

Xamiid Karsaay ayaa hore qodobo ugu xidhay heshiiskan, sida in beelaha Afghanistaan saxiixaan ogolaanshaha heshiiskan, balse markii ay beelaha taageereen heshiiskan, ayuu Xamiid karsaay markale ku xidjay in marka hore Maraykanka wadahadal nabadeed la sameeyo Talibaanka, arrintan oo hadda caqabad ku ah heshiiskan.

Xamiid Karsaay ayaa muddo bilo ah u hadhay wakhtiga uu xilka hayo intaan la gaadhin bisha April oo ay dhici doonaan doorashooyinka Afghanistaan, waxaana la rumeysan yahay in Xamiid Karsaay sababta uu udiidan yahay inuu heshiiskan saxeexo ay tahay inaanu dooneyn in magaciisa lagu qoro heshiiskan muddada dheer socon doona.