Madaxweyne; Maxaad Ka Keentay Dalka Kuwayt?Geeska Afrika staff Writer

0
584

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo, wuxuu Jimcihii ka soo laabtay safar afar maalmood qaatya oo uu ku tagay dalka Kuwayt.

ssssssssssssssssss

Booqashadan ayaa ahayd booqashadii labaad ee uu Madaxweyne Siilaanyo ku tago dalkaas, waxaanu Madaxweynuhu sheegay in ujeedada socdaalkiisa Kuwait ahayd laba qodob oo ah inuu amiirka dalka Kuwayt u ga soo mahadceliyo mashaariicda uu ka hirgeliyay Somaliland, islamarkaana uu ka dalbado inuu mashaariic horleh ka fuliyo Somaliland.

Labadan qodob ee uu Madaxweynuhu dawladda Kuwayt ee uu booqday kala soo hadlay ayay bulshadu falanqayn ku samaysay markii uu Madaxweynuhu jimcihii sheegay.

Waa marka koowaad ee mashaariicda uu Madaxweynuhu ka soo mahadceliyay ee uu amiirka kuwayt ka hirgeliyay Somaliland, waxa laga joogaa dhawr sannadood, in badan ayaana laga mahadceliyay.

Safarkiisii koowaad wuxuu Madaxweyne Siilaanyo dalka Kuwayt tagay bishii august ee sannadkii 2011, waxaana wakhtigaas weheliyay wasiiradii hore ee arrimaha dibadda iyo madaxtooyada Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan, waana markaas marka  uu amiirka dalka Kuwayt ugu deeqay Somaliland 15 milyan dollar oo lagu balaadhiyay madaarada Berbera iyo Hargeysa.

Wasiirkii arrimaha dibadda ee wakhtigaas Dr. Maxamed Cabdillaahi,  ayaa tiraba laba goor safaro kala duwan oo hubin iyo mahadnaq ah ku tagay dalka Kuwayt, isagoo farriimo ka siday madaxweyne siilaanyo.

Wuxuu kaloo madaxweynuhu ka soo mahadceliyay oo ka mid ah mashaariicda Kuwayt,  xarunta agoomaha ee ay dawladda Kuwayt ka hirgelisay magaalada Hargeysa, taas oo iyana dhawr sannadood ka hor la hirgeliyay furitaankeeda.

Qodobka labaad ayaa isna ah balanqaadyo uu Madaxweynuhu kaga yimid amiirka dalka Kuwayt, isagoon weliba madaxweynuhu cadayn dhinacyada uu amiirka Kuwayt ka codsaday inuu ka caawiyo Somaliland.

Markaas;  rayul caam badan ayaan sugayayay in Madaxweyne Siilaanyo uu amiirka dalka Kuwayt kala soo hadlo qodobo kuwan ka sii badan. Madaxweyne Siilaanyo waxa doorkan laga sugayay inuu sii xoojiyo xidhiidhka oo mar haddii uu amiirku shan sannadood ka hor Somaliland siiyay caawimo dhinaca bulshada ah, inuu Madaxweyne Siilaanyo doorkan u sii durko dhinacyo kale oo Somaliland wax weyn tari kara.

Madaxweyne Siilaanyo, waxa ay bulshadu ka sugaysay inuu sida hoggaamiyayaasha dunida, uu  kulankaas labaad ee ula yeeshay amiirka  uga faa’iidaysto dano siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed, maadaama ay Somaliland u oomantahay xidhiidho badan oo ay dunida la yeelato, gaar ahaan duwalka Carabta oo ka soo horjeeda Somaliland, iyadoo Kuwaytna awoodo badan ku leh jaamacada Carabta iyo dalalka ku bahoobayba.

Si kastaba ha ahaate, bulshada Somaliland waxa ay u muuqataa inay hadda aad u qiimeeyaan safarada ay madaxdoodu dibadda ugu baxaan iyo natiijooyinka ka soo baxa ee la taaban karo. Sidoo kalena Madaxweyne Siilaanyo oo uu sannad uga hadhay labadii sannadood ee loo kordhiyay, ayaa isna la arki doonaa safaradiisan uu muddo xileedkiisa ku soo gunaanadayo waxyaabaha muhiimka qaranka u leh ee

ka soo baxa.