“Madaxweyne, Khilaaf Adiga kaa Bilaabmaya Oo Adiga kugu Dhamaanaya ayaa Maanta Dalka Haysta…” Sheekh Aadan-Siiro

0
731

Hargeysa (Geeska) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro) oo ka mid ah Culimada reer Somaliland ayaa Madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyay in intii uu xilka qabtay ay Ummadda reer Somaliland kala fogaatay.

Sheekhu waxa kale oo uu Xukuumadda ku eedeeyay in intii ay xilka haysay ay adkaatay Xaaladda Nololeed ee Bulshadu, isagoo xusay in Xaaladda Nololeed ee Bulshada ee sii adkaatay ay sabab u tahay xidh-xidhnaan dhaqaale oo uu sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Biixi sababtay, sidaasi darteed loo baahan yahay in arrimahaas wax laga qabto.

Sheekha oo ugu horrayn Hambalyo u diray Shacabka reer Somaliland iyo Ummadaha kale ee Islaamka ah Munaasibadda Ciidal Adxaa awgeed, ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya yidhi  “Waxaan Maanta la hadlayaa Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo aan in badana la hadlay, waxaanu ugu celcelinaynaa (la hadalka Madaxweynaha) Ilaahay baa yidhi ‘Waanadu waxay anfacdaa Dadka Muuminiinta ah’. Madaxweyne Dadkii wuu kala irdhoobay, Dalka waxaad qabatay iyada oo uu Dalku isku xidhan yahay oo ay dadku midaysan yihiin bari illaa Galbeed, mar walba wax way jireen, laakiin dal midaysan baa laguu dhiibay. Maanta khilaaf Adiga kaa bilaabmaya oo Adiga kugu dhamaanaya ayaa dalkii haysta, Arrintaas ayaanu kaala hadlaynaa..”

Sheekh Aadan-siiro oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa waxa kale oo uu sheegay “Hoggaamiyuhu waa kee ? Hoggaamiyuhu waaka Dadka ururriya ee lagu ururo ayuu yidhi Rasuulku CSW, kaasaa Hoggaamiye ah. Madaxweyne waxaanu kaa codsanaynaa, ku xasuusinaynaa sidii dalka laguugu dhiibay inaad ku hayso oo aad dadka isku ururiso..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “khilaaf siyaasi ah baa jira, khilaaf ka dhashay deegaanadii, khilaafaadkaasi oo qaarkood adiga lagugu tuhmayo inaad adigu Madaxweyne Abuurayso.”

Sheekhu waxa kale oo uu ka hadlay dhaqaalaha Somaliland “Madaxweyne, waxaanu kaala talinaynaa dhaqaalaha. Shaqaalaha Xukuumaddu haysaa kama badna 40 kun, Somaliland waxa ku nool 4.5 Million ruux, yaa haya dadka inta kale Madaxweyne ?, waxa haya Ganacsatada, Islaamku waxyaabaha uu u yimid waxa ka mid ah in dhaqaalaha la ilaaliyo, in dhaqaalaha la kobciyo oo faqriga lala dagaalamo, Ilaa uu Ilaahay gaadhsiiyey oo uu yidhi haddii Qofku gaajoodo Meydka ha cuno. Haddii ay dadku baahdaan (gaajoodaan) waxay keeni in dalka Nabadgalyadiisu ay meel xun gaadho. Madaxweyne maxaad uga jeedaa inaad dhaqaalaha xidh-xidho, maxaad uga jeedaa Cashuur aan jirin oo afar-laab ah inaad dadka ku kalifto, maxaad uga jeedaa Madaxweyne in Dadkii boqollaalka qof ee shaqaalaha ah hayey aad curyaamiso, iyadoo nidaamkaagu uu sidaa u shaqaynayo. Madaxweyne waxaanu ku leenahay dhaqaalaha furfur.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Madaxweyne, Xukuumaddii kaa horraysay waxay ahaayeen Dad gob ah, maxaanu kalmaddaa u leenahay, waa lala hadli jiray, waddo loo maro ayay lahaayeen marka arrin uu yimaaddo, Adiga yaa wax ku sheegaya, dariiqee baa lagu soo marayaa Madaxweyne, dalkii oo dhan wuu soo ootay, kumanaan Meheradood baa kacay, yaa shaqo u samaynaya, shaqo waxaad ka barateen Cashuur, inan juwan la cararraya oo Macaashal-macaash ka sheekaynaya Meheradihii oo wada kacay, arrinta dhaqaalaha wax ka qabo Madaxweyne, inta aan guryaha la isugu soo gelin wax ka qabo ayaanu ku leenahay Madaxweyne..”

Ugu dambayn, Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud waxa uu ka hadlay doorashada “Doorashada in la qabtaa waa lagama maarmaan, Waayo? Doorashada waxaynu u dooranay in Ninkii damac lihi aanu dariiq kale soo marin, laakiin wixii doorashada suurto-gelinayey iyo in Dadka la qanciyo oo Dadka la isku ururriyo oo aan la abuurin khilaaf keenaya muddo-kordhin..” ayuu yidhi, isagoo intaa sii raaciyey oo ka digay in la abuuro khilaaf Xukuumaddu daraf ka tahay oo keeni kara muddo-kordhin.

Geeska.net/Hargeisa Office