Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele Oo Ku Guulaystay Doorashadii Djibouti Ka Dhacday

0
711

Djibouti(Geeska)-Xukumadda Djibuiti ayaa ku dhawaaqday in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu ku guulestay doorashada Madaxtinimo ee ay dadka reer Djibouti u dareereen Jimcihii.

geele

Sida lagu sheegay war saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Djibouti, Madaxweyne Geelle ayaa helay 86.68% boqolkiiba codadkii ay dadku dhiibteen, isagoo ku guuleystay wareeggii hore ee doorashada.

Murashaxa ku soo dhow Cumar Cilmi Kheyre ee ka tirsan dalalla mucaaradka ee USN ayaa helay 7.32% boqolkiiba.

Murashixiinta kale ayaa iyana kala helay:  Maxamed Dauud Shixin 2.28% Maxamed Muuse Cali 1.53%,  Xasan Idiris Axmed 1.39%,  Jamac C.raxman Jamac 0.79%.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Djibouti Hassan Omar Mohamed,  ayaa guusha Mr. Geelle u xaqiijiyay.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa waxa uu Madax ka ahaa Djibouti muddo 17 sanadood ah, waana madaxweynaha labaad ee uu dalkaasi yeesho tan iyo markii ay xorriyadda ka qaateen dalka Faransiiska sanadkii 1977kii.