Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi mudadii uu talada hayay tiraba 5 jeer ayuu booqasho kala duwan ku tagay cisbitaalka Hargeysa.
Sannadkii 2018 wuxuu Bishii September dhagax dhigay dhismaha waadhka hooyada iyo dhallaanka isagoo bishii January ee sannadkii 2019 cisbitaalka Hargeysa u tagay hawlgal dhiig shubis ah. February 18, 2019 wuxuu Xadhigga ka jaray dhismeyaal cusub oo laga dhisay gudaha Cusbitaalka Hargeysa.
December 24 2019, wuxuu goor habeenimo ah booqday cisbitaalka Hargeysa oo ay markaas qaylo dhaani ka soo yeedhay.
December 2018, wuxuu Madaxweyne Biixi cisbitaalka Hargeysa u tagay dhagax dhigaga dhisme markaas lagu kordhinayay, waxaanu halkaas ka jeediyay khudbad, isagoo masuuliyiinta xukuumadiisa dul dhigay amar ah inay baahida caafimaad u tagaan cisbitaalka Hargeysa si kalsoonida lagu qabo loo xoojiyo,,
Madaxweynuhu wuxuu maalintaas yidhi “Si cisbitaalka guud loo aammino , waa in aan madaxda dibadda loo la cararin markay bukoodaan. Maanta laga bilaabo wasiirka iyo agaasimaha xanuunsada waa in cisbitaalka la keena,” sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.
Intaas oo socdaal ee uu madaxweynuhu ku tagay cisbitaalka Hargeysa iyo weliba amarka uu dul dhigay madaxda dawladda, waxa muuqata inuu uga gol lahaa inuu xoojiyo kalsoonida cisbitaalka Hargeysa ee shacabka, waxaana ka muuqatay Madaxweynaha inuu dareensanyahay baahida caafimaad ee dalka ka jirta oo uu doonayo in xukuumadiisu kor u qaado tayada cisbitaalka guud ee Hargeysa.
Laakiin cisbitaalka guud ee Hargeysa oo madaxtooyada u muuqda ee uu madaxweynuhu doonayay inuu tacabka uu sheegay geliyo, waxa muddooyinkii u dambeeyay ka soo yeedhaysay qaylo dhaan. Agaasimaha guud ee cisbitaalka Dr. Yaasiin Carab wuxuu toddobaadkan sheegay war ay dadka badankiisu hayeen oo ah in dhibaato dhinaca Oxygen la’aanta ahi ka taagantahay cisbitaalka, waxaana hore warbaahinta bulshda uga hadlay dhawr ruux oo sheegay in dad ehelkooda ahi ay oxygen la’aan ugu geeriyoodeen cisbitaalka Hargeysa. “Dhib weyn ayaa cisbitaalka taala oo mishiinkii hore [oxygen tu] wuxuu noqday gabaabsi, Mishiimkii hore wuxuu noqday gabaabsi, mishiin weyn ayuu madaxweynuhu ku deeqay waanan dalabnay.” Sidaas ayuu yidhi Dr Carab.
Waxa kale oo uu agaasimaha guud ee cisbitaalku sheegay in bishii December ee ina dhaaftay ay 1500 oo ruux daawayn caafimaad u doonteen dalka Turkiga, kuwaas oo waraaqo cadayn ah ka qaatay cisbitaalka Hargeysa.
Tiradaasi waa dadka safarada caafimaad u tagay dalka Turkiga, waxase iyaguna jira dad kale oo intaas ka badan oo dalalka jaarka u doontay baahi caafimaad.
Lama garanayo cid loo raaco masuuliyada dadka oxygen la’aanta ugu geeriyooday cisbitaalka Hargeysa iyo weliba dad kale oo muwaadiniin ah oo daryeel la’aan ugu qudh baxay cisbitaalka, kuwaas oo ay eheladoodu baraha bulshada hore ugu baahiyeen.
Laakiin faraq weyn ayaa u dhexeeya dedaalka uu Madaxweyne Biixi sheegay inuu doonayo inuu geliyo horumarinta cisbitaalka Hargeysa iyo xaaladda uu cisbitaalku ku suganyahay.
Haddii aad tagto cisbitaalka guud ee Hargeysa waxaad dareemaysaa xaaladda warwarka leh ee uu ku jiro cisbitaalka guud ee Hargeysa.
Haddii uu cisbitaalka Hargeysa sidaas ku sii socdo, dedaalka Madaxweyne Biixi wuxuu noqon doonaa hal bacaad lagu lisay, waxaana ceebta cisbitaalka ka taagani ay dhabta u saarnaan doontaa Madaxweynaha iyo xukuumadiisa.
Madaxweynaha iyo wasaaaradda caafimaadka waxa waajib ku ah inay si degen oo baadhis qoto dheeri weheliso u waajahanaan mashaakilaadka curyaamiyay cisbitaalkii guud ee ay umadu wada lahayd. Waa in laga tusaale qaataa xaaladda cisbitaalka gaarka loo leeyahay ee magaalada ku yaala oo horumar baaxad leh ay qaarkood ku socdaan, iyadoo uu cisbitaalka guud ka dakhli iyo taageero badanyahay.
Cisbitaalka Hargeysa uma baahna oo keliya qalab, wuxuuse u baahanyahay gurmad intaas ka baaxad balaadhan oo isugu jira baadhis, dib u habaynta maamulka iyo dib u habaynta shaqaalaha iyo weliba in loo dejiyo qorsheyaal, si cisbitaalka umadu wada leedahay u noqdo mid aan curyaamin ee sameeya horumar oo weliba isku filnaada.