Hargeysa(Geeska)Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay inuu rajaynayo in Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee Somaliland yimaadda.
Madaxweyne Cirro, oo kulan la qaatay Wasiirka Maalgashiga Jabuuti, oo booqasho ku jooga Somaliland, ayaa sheegay in Somaliland ay rabto inay heshiis la ahaato dhammaan madaxda gobolka.
“Madaxweynayaasha gobolka, Somaliland waxay doonaysaa inay saaxiib la noqoto, Jabuutina ugu horreyso. Waxaanan jeclahay in Madaxweyne Ismaaciil noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee Somaliland yimaadda haddii Alle idmo,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.
Waxa kale oo uu daaha ka qaaday in la bilaabayo dhismaha waddo dheer oo Somaliland ku xidhi doonta dalka Jabuuti. “Wadada laamiga ahna waxa la bilaabi doonaa Sebtembar, taas oo isku xidhi doonta Boorama iyo Lawyocaddo,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Dhanka kale, Jabuuti waxay ka cadhootay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee dhexmaray madaxda Somaliland iyo Itoobiya horraantii sannadkaas, heshiis oo ay Jabuuti u aragtay khatar dhaqaale, iyadoo olole weyn u gashay sidii loo burburin lahaa.
Haddaba, Madaxweyne Cirro ayaa dib u soo celiyay xidhiidhka labada dhinac kadib markii la doortay, isaga oo sheegay inuu doonayo in Somaliland heshiis la ahaato jaarkeeda.