Madaxweyne Biixi Oo Laalaay Heshiiska Shaybaadhka Shidaalka Oo Uu Ku Tilmaamay Mid Aan Danta Guud Ka Turjumayn

42
3201

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto uu shalay soo saaray wuxuu ku laalay oo uu buriyay heshiiska shaybaadhka shidaalka haamaha Berbera oo ay xukuumadii hore la gashay shirkad madaxbanaan.

Wuxuu Madaxweyne Biixi heshiiskaas ku tilmaamay mid aan ka turjumayn danta guud ee qaranka, waxaanu amray in lagu wareejiyo maamulka shaybaadhkan maareeyaha haamaha shidaalka qaranka. Wareegtada Madaxweyne Biixi waxay u dhignayd sidan:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-201/092018, uu maanta ka soo saaray la-wareegidda shaybaadka shidaalka Haamaha Berbera.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

La-wareegidda Shaybaadka Shidaalka Haamaha Berbera

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 12aad  iyo 31aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda;

Markaan Arkay:      Heshiiska ku taariikhaysan 19/09/2015 ee ay wada galeen Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadda Interstate Testing and Support Services (ITSS), ujeeddadiisuna ahayd Shaybaadhka Shidaalka Haamaha Dekedda Berbera;

Markaan Arkay:            Muhiimadda ay leedahay xaqiijinta iyo hubinta tayada shidaalka dalka soo galaya, si loo ilaaliyo hantida iyo dhaqaalaha shacabka Somaliland;

Markaan Garawsaday: In heshiiska Shaybaadhka Shidaalka Haamaha ee Dekedda Berbera aanu ka turjumayn danta guud, isla markaana aanu la jaan-qaadi karin hab-sami u socodka adeegyada baadhitaanka iyo dhawridda tayada shidaalka la soo dejiyo ee Haamaha Shidaalka Berbera;

Markaan Helay:          Talo soo jeedinta Guddida Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee Heer Qaran iyo talo-bixintii sharci ee heshiiskii dhex-maray Xukuumadda iyo Shirkadda Interstate Testing and Support Services (ITSS);

Waxaan Go’aamiyey;

1) In la buriyey heshiiska Shaybaadhka Shidaalka Haamaha Berbera ee ku taariikhaysan 19/09/2015, kaas oo ay wada galeen Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadda Interstate Testing and Support Services (ITSS).

2) In Xukuumaddu ay gabi ahaanba la wareegtay, si sharciga waafaqsan, maamulka, iyo lahaanshaha qalabka iyo hantida Shaybaadhka Shidaalka Haamaha Berbera ee ay hore u lahayd shirkadda (ITSS).

3) In Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha Iyo Dalxiiska, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranku ay keenaan qiimaynta dhabta ah ee dhaqaalaha ay Shirkadda ITSS ku maalgelisay Shaybaadka Haamaha Shidaalka Berbera.

4) In lagu wareejiyo Shaybaadhka Shidaalka Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here