Madaxweyne Biixi Oo La Filayo Inuu Cafis U Fidiyo Mulkiilaha Telefiishanka ASTAAN

0
692

Hargeysa (Geeska) –  Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inuu Cafis u fidinayo Mulkiilaha Telefiishanka Astan Cabdimanaan Yuusuf, kaasi oo Saddexdii bilood ee u dambeeyay ku xidhnaa Hargeysa.

Ma Jiro War Rasmiya oo ku saabsan Cafiskan, balse ilo-wareedyo ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Madaxweynuhu uu Toddobaadkii la soo dhaafay la kulmay Xubno ka mid ah Qoyska Mulkiilaha Astaan Cable iyo Waxgarad is-xil-qaamay, kuwaasi oo Madaxweynaha ka dalbaday inuu xorriyaddiisa u soo celiyo Cabdimannaan oo ah Muwaadin u dhashay Dalka Soomaaliya.

Warku wuxuu intaa ku darayaa  in Madaxweynuhu ka aqbalay Codsigaasi, sidaasi darteed waxa la filayaa in Cabdimanaan uu dib xorriyaddiisa u helo, marka uu Madaxweynuhu Cafiska u fidiyo.

Cabdimanaan Yuusuf ayaa Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex waxay laba Toddobaad muddo laga joogo ku xukuntay 5 Sanadood oo xidhig ah, 2 Milyan oo Shilin oo Ganaax ah iyo in la xayiro Telefiishankiisa Astaan, waxaana lagu eedeeyay saddex Qodob oo ay ka mid ahaayeen Basaasnimo iyo in Telefiishankiisu aanu si sharci ah dalka uga shaqaynayn.

 

Geeska.net/Hargeisa Office