Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Xidhiidhka Itoobiya Iyo Somaliland, Qaramada Midoobayna Ugu Baaqay Inay Aqoonsato Qaddiyadda Somaliland

28
3377

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay siyaabaha loola dagaalami karo argagixisada iyo weliba aragtidiisa xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya. Wuxuu kaloo Qaramada Midoobay ugu baaqay inay aqoonsadaan qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland oo ah buu yidhi mid sax ah sharci ahaan iyo siyaasad ahaanba.

Madaxweyne Biixi oo waraysi siiyay telefishanka ENN TV ee dalka Itoobiya, ayaa wuxuu sheegay inaan argagixisada lagula dagaalami karin cudud ciidan iyo ilaalin, laakiin loo baahanyahay in la horumariyo dhaqaalaha iyo nolosha shacabka si shacabka loogu qanciyo halista argagixisada,  “Sida ugu wanaagsan ee argagixisada loola dagaalami karaa waa in dhaqaalaha la horumariyo oo shaqo abuur loo sameeyo dadka bilaa camalka ah iyo in la bedelo manhanjka ardayda ee dugsiyada.” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi oo uu weriyuhu su’aal ku saabsan mawduucan weydiiyay, waxaanu madaxweynuhu ka hadlay khatarta ay leedahay bulshada oo dhaqaale ahaan kala korta oo qaybina noqoto tujaar qaybina foqoro,   “Haddii la doonayo in argagixisada lala dagaalamo waa in umadda la daryeelaa oo dhaqaalaha la horumariyaa.” ayuu yidhi, waxaanu ku baaqay in bulshada la qanciyo si loo bedelo aragtida ay aaminsanyihiin.

Madaxweyne Biixi oo la weydiiyay xidhiidhka Somaliland Itoobiya, wuxuu sheegay in xidhiidhka labada dal yahay mid qoto dheer oo taariikhi ah, “Waa xidhiidh qoto dheer.” ayuu yidhi madaxweynaha oo intaas raaciyay “Haddii aad suuqa marto ood weydiiso halkeed ku dhalateen 20% ayaa ku odhanaya Itoobiya, mar hadii ay labada dhinacba u baahanyihiin inay is kaashadeen oo is aamin jiro, xataa shacabka iyo dawladuhu is aaminsanyihiin, waa inay is kaashadaan oo ay wada noolaadaan, nidaamka dawladnimo waa caadi oo marba qof ayaa la dooranayaa oo talada haynaya, laakiin wada noolaasho iyo iskaashi waa inuu jiraa.”

Wuxuu madaxweyne Biixi oo ka hadlaya qorshihiisa uu yidhi “Waxa noo qorshaysan inaanu jidka Berbera ee Itoobiya dhisno ilaa jigjiga ama Diridhaba amaba illaa Addis Ababa, labadayaduba diyaar ayaanu u nahay arrintaas, waxaanu diyaar u nahay inaanu horumarino dekedda Berbera, markaas malaayiiin Itoobiyaan ahi si ay u siticmaalaan, waa mid faa’iido u ah dadkayaga sidoo kalena dhinaca kalena waa u faa’iido.”

Madaxweyne Biixi, wuxuu sheegay in Somaliland xataa iibin karto cimilada Berbera oo ay dadka Itoobiyaanka ahi soo booqan karaan si ay u arkaan kulaylka sare ee ka jira, sida ay dadka reer Somalialnd u booqdaan buuraha Itoobiya iyo dhulka qaboow ee buuraha ah,  “Dadku waa inay wax wada qabsadaan dhaqaale ahaan, dhaqan ahaan, waa inay wada koraan oo is kaashadaan.” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi, waxaanu intaas raaciyay inuu leeyahay qorshe uu dalka ku hagayo oo ka kooban lix tiir oo ku qoran buuggii uu xisbiga KULMIYE ku galay ololihii doorashada.

Madaxweyne Biixi oo la weydiiyay qorshihiisa aqoonsi raadka, wuxuu sheegay in wasaaradda arrimaha dibadu diyaarisay jid cad oo arrinkaas loo marayo kaas oo uu sheegay inuu ku rajo weynayahay inuu guulaysto,  “Waxaanu leenahay saaxiibo badan dawlado badan ayaanu cilaaqaad leenahay sida Britain, Itoobiya iyo kuwo kale waxaanan ku rajo weynahay in Qaramada Midoobay aqbasho qaddiyadayada oo siyaasad ahaan iyo sharci ahaanab sax ah.” ayuu ku soo koobay hadalkiisa madaxweynuhu.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here