Madaxweyne Biixi Oo Caddeeyay Sababta Xilligan Uu Cadowga Jsl U Soo Batay & Sawirka Laga Doonayo Doorashada Soo Socota

0
22

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay sababta ka dambaysa in Somaliland xilligan yeelato cadow badan.

Madaxweyne Biixi wuxuu sheegay in JSL oo 33-kii sano u dambeeyay ku jirtay halgan ay xilligan leedahay cadow badan, arrintaasi oo uu ku sababeeyay in cadowgu ogyahay in Somaliland wax wanaagsani u soo socdaan, taasina horseedday in cadowga JSL uu dibedda u soo wada baxo, si uu iskugu dayo Inuu ka hor-tago guusha Somaliland u soo socota. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay  Munaasibad ka dhacday Hargeysa, ayaa sheegay In Doorashada soo socota ay noqoto mid wanaag iyo sumcad, sidaa awgeed shacabka looga baahan yahay in aanay xamaasaddu la fogaanin.