“Madaxweynaha Waxaan Leeyahay Xaaji Axmed Dalka Adiga Ka Madaxweyne Ah Ee Magac Xumo Ha Ka Tagin”Cabdi Haybe

0
482

Hargeysa (Geeska)-Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed, oo ka mid ah masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa sharci daro ku tilmaamay Shirka Axada ee uu Madaxweynuhu iskugu yeedhay labada Gole Qaran, waxaanu ugu baaqay Golayasha Sharci dejinta in aanay meel marin ama ansixin heshiiska Saldhiga Milatari ee Xukuumaddu doonayso inay Imaraadka Berbera ka siiso Imaraadka.

1

Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Madaxweynaha ugu baaqay inuu sharaftiisa iyo karaamadiisa ilaashado, oo aanu saxeexin Golaha u gudbin heshiiska Saldhiga Milatari, waxaanu sheegay in Saldhigani dhib mooye aanu faa’iido dalka u lahayn, waxaanu ugu horeyn yidhi “Labada Gole ee uu Madaxweynuhu  Axada iskugu yeedhay waa sharci daro, haddii heshiis caalamiya la galayana waxa shaqo ku leh Golaha Wakiilada, ee Guurtidu meel ay ka soo gashaa ma jirto, balse haddii uu Madaxweynuhu go’aansaday inuu iskugu yeedhay Golayaasha waxaan leeyahay ha  ansixinina  heshiiska Saldhiga Milatari ee la idin horkeeni doono, Dawlad la aqoonsan yahay ma nihine, ee Imaraadku waxa marka hore la soo saxeexanayaan Xasan Sheekha Xamar, Madaxweynaha Xamar marka uu soo saxeexo ee lacagta inta ugu badan qaato, ee isaga Imaraadku inoo soo maro waa inoo sharaf dhac, ee Dawladdan Kulmiye lacag uun bay malafsanaysaa, oo waxaad mooda in dalka aanay dan iyo muraad ka lahayn”.

Siyaasi Cabdi Haybe mar uu fariin u diraayey  Madaxweynaha ayaa yidhi “Madaxweynaha waxaan leeyahay Xaaji Axmed dalka adigaa ka Madaxweyne ah ee magac xumo ha ka tagin,  sharaftaada iyo karaamadada ilaali, Saldhig Milatarina ha saxeexin, Golahana ha u gudbinin, dhibaato mooye waxa kale inooma soo kordhinaye”