Madaxweynaha Somaliya Oo Somaliland U Soo Diraya 50 Oday Oo Reerkiisa Ah

0
635

Picture3Muqdisho(Geeska)-Madaxweynaha dalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa diyaariyay 50 (Konton) oday dhaqameed oo ka soo jeeda Beelaha Hawiye, kuwaas oo uu u soo dirayo magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa habeen hore cawayskii xaruntiisa madaxtooyada ee Muqdisho, wuxuu kula kulmay odayaashan, isagoo ay weheliyeen wasiirada arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Cabdillaahi Goodax Barre, oo iyaguna ka soo jeeda isla beesha madaxweynaha Somaliya. Sida ay warar xogogaali u sheegeen Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu Xasan Sheekh odayaasha ka codsaday inay tagaan caasimadda Hargeysa islamarkaana ay isku dayaan sidii ay dawladda iyo odayaasha dhaqanka ee Somaliland ugala soo hadli lahaayeen sidii ugu qancin lahaayeen inay mar kale dib ula midoobaan wadanka Somaliya. Sida ay wararku sheegeen odayaashan, waxa la filayaa inuu soo horkaco Axmed Diiriye oo ka mid ah oday dhaqameedyada beelaha Hawiye, waxaanu Madaxweyne Xasan Sheekh, odayaasha  ka codsaday inay sida ugu dhaqsaha badan ugu diyaar garoobaan safarkaas, isagoo labadiisa wasiir ee la fadhiyayna faray inay fududeeyaan safarkaas.

Dawladda Somaliland ayaa looga baahanyahay inay socdaalka odayaashan u yeelato indho dheeraad ah, waxaana suurtogal ah inay siyaabo kala duwan ku soo galaan Somaliland, iyadoo ay suurtogal tahay inay ku soo galaan rakaab ahaan.  Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u muuqda inuu dhex dabaalayo badweyn riyo ah, waxaanu si cad iskaga indho tirayaa go’aanka aayo ka tashiga ah ee shacabka Somaliland iyo weliba halka ay ka taaganyihiin midnimo dambe oo dhex marta Somaliya, iyadoo uu dhawr goor si badheedh ah u qiray xasuuqii iyo dhibaatadii ay shacabka reer Somaliland kala kulmeen midnimadii burburtay.