Madaxweynaha Somaliya Oo Diyaarsaday Dagaal Ka Dhan Ah Dawladnimada Somaliland Iyo Wargeyska Indian Ocean Newsletter Oo Warbixin Ka Qoray

0
573

Hargeysa(Geeska)-Wargeyska caalamiga ah ee The Indian ocean newsletter, ayaa cadadkiisii u dambeeyay ee shalay wuxuu kaga hadlay dagaal ka dhan ah dawladnimada Somaliland oo uu go’aansaday madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

1111111111111

Wargeysku, wuxuu sheegay in dagaalkaas uu ka bilaabay qorshe ay dhawaan beesha caalamku taageertay oo uu isagu dejiyay, kaas oo ah in Somaliland la siiyo saddex xubnood oo ka tirsanaan doona golaha guurtida dalkiisa Somaliya, waxaanu wargeysku sheegay in qorshahan oo ay golaha ammaanku Qaramada Midoobay ansixiyeen uu Somaliland ku darayo inay ka mid noqoto dhinacyada ka qayb galaya doorashada Somaliya ee sannadkan dabayaaqadiisa loogu tallo galay inay dhacdo, doorashadaas oo uu wargeysku sheegay inay u dhowdahay in Xasan Sheekh Maxamudu mar labaad lagu doorto. “Madaxweynaha Somaliya, wuxuu doonayaa inuu caqabad ku noqdo dedaalka ay Somaliland ku doonayso inay aqoonsi ka hesho beesha caalamka.” ayuu wargeysku ku yidhi warbixintiisa.

Wargeysku, wuxuu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo ka cadhaysanyahay talaabooyinka Xasan Sheekh Maxamuud ee ka dhanka ah dalkiisa Somaliland.

Dawladda Somaliland ayaa hore u cambaaraysay qorshahan ay dawladda Somaliya ka dhaadhicisay beesha caalamka, maadaama oo ay Somaliland ka madaxbanaantahay dalka Somaliya oo ay xorriyadeeda kala soo noqotay sannadkii 1991.