Madaxweynaha Somaliland Oo Taliyayaal Cusub U Magacaabay Booliiska Iyo Millateriga

0
81

Hargeysa(Geeska)Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa taliyaha millateriga u magacaabay Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Cismaan Gaaxnuug. Sidoo kale, taliyaha booliiska ayaa loo magacaabay Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan ‘Cabdi Dheere’.
Taliye Gaaxnuug ayaa noqday taliyihii ugu da’da yaraa ee loo magacaabo hoggaanka ugu sarreeya ee ciidanka millateriga. Madaxweyne Cirro ayaa xukuumaddiisa ka qaybgeliyay saamigii ugu badnaa ee dhallinyaro ah, isagoo dhallinyaro badan u magacaabay agaasimayaal wasaaradeed iyo hay’ado kala duwan.

Taliyaha cusub ee millateriga waxa uu shahaadadiisa koowaad iyo tan labaad ee cilmiga millateriga ka qaatay jaamacado ku yaalla dalka Itoobiya iyo Ingiriiska oo kuu ku bartay amaanka caalmiga ah iyo hoggaaminta ciidamada. Sidoo kale, waxa uu shahaadada ugu sarreysa (PhD) ka wada jaamacad ku taalla Taiwan, halkaas oo uu ku baranayo culuumta sare ee ciidanka.
Taliyaha cusub ee booliiska, Cabdi Dheere, ayaa horay u ahaa afhayeenkii ciidanka millateriga, waxa uuna ka mid ahaa saraakiisha ugu darajada saraysa ee ciidanka. Cabdi Dheere ayaa ah khabiir ciidan oo haysta shahaadooyin sare oo la xidhiidha cilmiga ciidanka, waxa kale oo uu bixiyaa tababarro kala duwan oo la siiyo ciidamada.
Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu taliyihii hore ee booliiska, Maxamed Aadan Saqadhi ‘Dabagale,’ u magacaabay la-taliyaha gaarka ah ee arrimaha booliiska. Dabagale ayaa ka mid ah saraakiisha aqoonta leh ee ciidanka, waxa uuna shahaadooyin ku saabsan culuumta ciidanka ka qaatay kulliyado ku yaala dalka Ingiriiska.
Taliyihii hore ee ciidamada millateriga, Nuux Ismaaciil Taani, oo ahaa taliyihii ugu muddada dheer ee soo maamula ciidanka, ayaa isna loo magacaabay la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha ciidanka millateriga.
Madaxweyne Cirro ayaa ballanqaaday inuu isbeddel buuxa ku sameyn doono ciidamada kala duwan, isla markaana uu sare u qaadi doono tayada tababaradooda iyo qalabkooda.