Hargeysa(Geeska)Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa ku dhawaaqay in laga noqday go’aankii ay shirkadaha Telesom iyo Somtel ku kordhiyeen qiimaha internet-ka 100%.
Madaxweynaha ayaa ka hortagay mudaharaad ballaadhan oo berri lagu balansanaa guud ahaan Somaliland oo dhan. Madaxweyne Cirro ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in la hakiyay go’aanka kordhinta, taas oo sababtay in shacabku ay hakiyaan mudaharaadkoodii.
“Aniga oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aan ummaddayda ku wargelinayaa in Xukuumadda iyo shirkadaha bixiya adeegyada isgaadhsiinta ee dalka ay isla garteen in la hakiyo go’aankii dhawaan lagu kordhiyay qiimaha adeegyada internet-ka iyo ku-hadalka taleefannada gacanta, go’aankan oo ay shirkaduhu hore ugu dhawaaqeen,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.
Qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook ayuu ku daray: “Qiimaha adeegyadu waxa ay ahaan doonaan sidii hore ilaa amar dambe, iyadoo Xukuumaddu si degdeg ah wada-hadallo arrintan la xidhiidha ula yeelan doonto shirkadaha bixiya adeegyada internet-ka iyo ku-hadalka ee Jamhuuriyadda Somaliland.”
Shirkadda Somtel ayaa noqotay shirkaddii ugu horreysay ee adeecda amarka madaxweynaha, waxayna ku dhawaaqday in ay ka noqotay. “Annaga oo ah shirkadda dadweynaha, waanu aqbalnay baaqiinii,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay shirkadda Somtel.
Dadka shacabka ah ayaa baraha bulshada uga mahadcelinaya Madaxweynaha iyo Garyaqaan Guuleed Dafac, oo hoggaaminayay diidmada shacabka, isla markaana horseed ka ahaa abaabulka mudaharaadyada loo qorsheeyay in lagu qabto maalinta berri.
“Mahada koowaad iyo ta labaadba adaa leh, mahada saddexaadna madaxweynaheena inala dareenka noqday,” ayuu yidhi Guuleed Faysal Xasan, oo faallo ka bixiyay qoraal uu soo dhigay Dafac bartiisa Facebook.
Sidoo kale, Hinda Axmed ayaa tidhi: “Ninka adag maalinta adag baa la barta, garyaqaan mahadsanid.”
Garyaqaan Dafac ayaa sidoo kale Madaxweynaha uga mahadceliyay tallaabada uu ka qaaday shirkadaha bixiya internet-ka, isaga oo sheegay in shacabka ay awoodda iska leeyihiin, isla markaana Madaxweynuhu uu hor istaagay xadgudub lagula kacay sharciga.