Madaxweynaha Somaliland Oo Isku-shaandhayn Iyo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyay Guddoomiyeyaasha Gobollada Dalka

0
533

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biix Cabdi ayaa Isku-shaandhayn ku sameeyay Badhasaabbada Gobollada dalka.

Madaxweynaha ayaa Badhasaabbada qaarkood Xilka ka qaaday, halka uu Qaarkoodna isku beddel ku sameeyay.

Wareegtada Madaxweynaha ayaa u qornayd sidan:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin madaxweyne oo summadoodu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-530/062020 iyo JSL/XM/WM/222-531/062020, uu xilalkii kaga qaaday kuwa kalena ugu magacaabay gudoomiyeyaasha Gobolada Dalka qaar ka mida, sidoo kalena uu ku sameeyey bedel.

Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinkaasi Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Ku: Yaasiin Maxamed Shide Ibraahim;

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hawd

Ku: Cabdiraxmaan Axmed Cali Muuse;

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Awdal

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u hayseen. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka.

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

  1. Maxamed Axmed Caalin Yuusuf Guddoomiyaha Gobolka Awdal.
  2. Axmed Cismaan Xasan Cilmi Guddoomiyaha Gobolka Sanaag
  3. Axmed Maxamed Xaashi Ducaale Guddoomiyaha Gobolka Saaxil.
  4. Axmed Cige Maxamed Geeddi Guddoomiyaha Gobolka Hawd.
  5. Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye Guddoomiyaha Gobolka Gabiley.
  6. Maxamed Cismaan Xaaji Axmed Guddoomiyaha Gobolka Saraar”

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.