Madaxweynaha Somaliland Oo Baligubadle Ka Sheegay In Difaaca Dalka & Doorashadaba La Fulinayo

0
82

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi & Wefti uu hoggaaminayo ayaa Shalay safar ku tagay gobolka Hawd.

Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa, ayaa si wanaagsan loogu soo dhaweeyay deegaannada gobolkaasi, isagoo isku maray deegaannada kala ah Bali-gubadle, Balicabane, Sayla iyo deegaano kale.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo khudbad u jeediyey dadweynaha Baligubadle ayuu kaga

warramay xaaladda dalka, sida doorashada iyo difaaca Qaranka “Dalkeenu wuxuu ku jiraa laba marxaladood oo iska hor-imanaya, kuwaasi oo kala ah doorashada iyo difaaca Qaranka, labadaana waynu fulin karaynaa ee ha loo diyaar-garoobo..”

Madaxweyne Biixi wuxuu sheegay in Xisbiyada Qaranka iyo Xukuumadda ku midaysan yihiin difaaca Qaranka, isagoo sheegay in Baarlamaanku ka doodayo in la soo saaro sharciga iska difaacidda gardarrada Somalia.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu difaaca dalka ku amaanay shacabka gobolka Hawd “Reer Hawd lagu dardaari maayo doorashada & difaaca Qaranka..” ayuu yidhi.

Sidoo kale, Xildhibaan Maxamed Xuseen Jaamac (Raambo) oo isaguna soo dhaweeyay Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka gobolka Hawd uu diyaar u yahay difaaca iyo doorashadaba.

Xildhibaanku wuxuu si adag uga hadlay gardarrada Soomaaliya, waxaanu sheegay in shacabka Baligubadle xasuusan yihiin wixii ah tareen Generaal Maxamed Faarax Caydiid oo Xasan Sheekh adeerkii ahaa, sidaa awgeedna aanay Somaliland ka filayn Xasan Sheekh inuu ku gardaroodo